Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Faahfaahin dheeraad ah oo laga helay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo danta ay Ankara ka leedahay

    Faahfaahin dheeraad ah oo laga helay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo danta ay Ankara ka leedahay

    By radiohalgan.comFebruary 26, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska difaac ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay toddobaadkii hore iyaga oo aan akhrin.

    Heshiiskan oo ay Ankara ku kala saxiixdeen labada wasiir ee gaashaandhig ee Soomaaliya iyo Turkiga Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo Yaşar GΓΌler 8-da bishii Febraayo ayaa lagu tilmaamay heshiis β€˜β€˜difaac iyo iskaashi dhaqaale ah’’.

    Waxaa la la xiriiriyay is-fahamka Hargeysa iyo Addis Ababa ay kala saxiixdeen iyada oo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubnaha baarlamaanka ba ku tilmaameen in heshiiskan in dowladda Turkiga ku difaaci doonto xeebaha Soomaaliya.

    Sida Is-afgaradka la sixiixday bilowga bishii Janaayo uu dhigaayo, Itoobiya ayaa fursad u heli doonta in ay marin ka hesho Badda Cas iyadoo heli doonta bugcad 20km ah oo ku xiriirsan Itoobiya.

    Heshiiska Muqdisho iyo Ankara ee degdegga ah

    Wasiiradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa saxiixay heshiiska

    XIGASHADA SAWIRKA,ANADOLU AGENCY

    Qoraalka sawirka,Wasiiradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa saxiixay heshiiska

    Heshiiska labada dhinac oo u muuqday mid lagu galay si deg deg ah kadib is-afgaradka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya dalbatay isla bishii Janaayo sida uu baahiyay telefishinka AlJazeera iyo warbaahino kale.

    Is-afgaradka ayaa Somaliland ku tilmaamtay in uu dhabaha u xaarayo aqoonsi ay ka hesho Addis Ababa.

    Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la rumeysan yahay in uu bixiyay amarka ah in heshiiska si dhakhso leh loo diyaariyo isagoo hagitaanka siiyay Wasaaradda Difaaca Qaranka iyo tan Arrimaha Dibadda. Turkiga waxa uu xiriir dhow la leeyahay Itoobiya si la mid ah Soomaaliya.

    Telefishinka Aljazeera ayaa baahiyay in heshiiska lagu diyaariyay laguna saxiixay muddo 10 berri gudahood ah.

    Xoggo amni oo ka imanaya gudaha Ankara ayaa tilmaamaya in heshiishkan ayna keli ah soo dedejin arrinta Itoobiya iyo Somaliland, balse xiisadaha kale ee ka jira gobolka

    Saraakiil Amni oo Ankara jooga ayaa u sheegay AlJazeera in haddii Xuutiyiintu gabi ahaanba xidhaan gacanka Bab Al-mandadb, dhibaatooyinku aad bay usii xumaan karto. wadamada waaweyna waxaa laga yaabaa in ay qaadaan tallaabooyin ay kaga hortagayaan xiisadaha kordhaya.

    β€œwaxayna isku dayi doonaan in ay gacanka guud ahaan gacanta ku dhigaan iyagoo gobolka farogelin rasmi ah ku samaynaya, taas oo ay ka dhallan karo xuduudo qariiradeed oo isbeddella, maangalnimada arrintana Meesha kama maqna,” ayay yiraahdeen saraakiil amni oo Turki ah.

    Maxuu heshiisku ka koobanyahay?

    Turkiga waxa uu hadda ku leeyahay gudaha Muqdisho xarun tababar oo weyn

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS/FEISAL OMAR

    Qoraalka sawirka,Turkiga waxa uu hadda ku leeyahay gudaha Muqdisho xarun tababar oo weyn

    Heshiiska Difaaca iyo Iskaashiga Dhaqaalaha inta laga ogyahay waxuu dhigayaa in 10 sanno baddaha Soomaaliya ay ilaalin doonaan ciidamada Turkiga.

    Waxaa kale oo uu dhigayaa ka faa’iidaysiga kheyraadka badda, qorsheynta iyo hirgelinta hawlgalada circa dhulka, iyo badda ee wadajirka ah, haddii loo baahdo difaac la xidhiidha ka faa’iidaysiga kheyradkaas.

    Dhismaha maraakiibkta iyo hawgelinta dekadaha, samaynta habraacyada sharci eel agama maarmaanka ah arrimahan, midaynta sharciyada socdaalka badda ee labada dal, qaadida tallaabooyin hal dhinac ah iyo mid wadajir ah si loola dagaallamo dhammaan noocyada khatarta ee ka jira badda: sida budhcad badeeda, argagaxisada, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo tahriibinta.

    Dhisidda xarumo hal dhinac ah iyo mid wadaag iyo in la sameeyo goobo amni, bixinta taageerada tababarada, farsamada iyo qalabka ciidamada Soomaaliya. Samaynta iyo maareynta xarumaha amniga xeebaha.

    Shirkadaha ka shaqayn doona hirgelinta heshiisyadan ayaa ogolaansho rasmi ah ka heli doona Turkiga iyo waxaana hada Soomaaliya iyo goobaha amaankeeda gabi ahaanba laga furi doonaa Ankara.

    Heshiiska guud kadib waxaa lagu caddeyn doonaa hab-maamuus hoosaadyo.

    Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga, iyo saameynta uu ku yeelan karo Gobolka

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay, isaga oo saxafiyiinta u jawaabaya kadib markii baarlamaanku meelmariyeen heshiiska:

    β€œWaxaanu samayn doonaa ciidamo badeed o wada jira, walaalaheenna Turkiguna waxay difaaci doonaan baddeena muddo 10 sanno oo heshiiskani dhigaayo, kadibna tobankaas sanno waxaan yeelanaynaa ciidamo badeed oo badaheenna ilaaliya. Heshiiska cadawtinimo uma muujinaayo cid gaar ah, Itoobiya ama wadan kale toona”

    Siduu heshiisku dhigaayo, Turkigu waxuu illaalin doonaa ugu yaraan 3,000km oo xeebta Soomaaliya ah, laga bilaabo Kenya, illaa Djibouti, maraakiibta dagaal ee Turkiga iyo ciidamadiisa badda ayaana gaafwareeggi doona badda Soomaaliya, wali ma cadda in ilaalintani ka dhici doonto Gacanka Cadan iyo gobolka Somaliland sidoo kale.

    Balse waxaa xaaladda lagu go’aamin doonaa habraac-hooseedyada qorshaha hirgelinta heshiiska.

    Waloow Turkigu uusan aqoonsanayn Somaliland, haddana xidhiidh fiican ayuu la leeyahay, waxuuna Turkigu heshiis iskaashi ciidan ah iyo mid taakulo lacageed ah la saxiixday Djibouti.

    Xukuumadda Ankara ayaa Gobolka Geeska Afrika oo hadda ah meel xiiso siyaasadeed ka aloosanyahiin saamayn ku leh.

    Safiirkii hore ee Turkiga ee dalka Chad iyo Senegal oo ah khabiirka ugu caansan ee Arrimaha Africa ee ku sugan gudaha Turkiga, Dr. Axmed Kafash ayaa yidhi, β€œHeshiiskan waxuu saamayn muuqata ku yeelan doonaa gobolka,” isagoo ku Daraya β€œLabada dhinacba, Gacanka Cadan waxaa dhaca,Yemen, Djibouti iyo Somalia.

    Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Israa’iilba gobolkan geeska Africa waxay ku leeyahiin saamayn weyn waxayna saldhigyo ku leeyahiin Ethiopia, Somalia iyo Djibouti.

    Hadda Turkigu waxuu imanayaa Soomaaliya isaga oo cudud ciidan ah, waxuuna illaalin doonaa biyaha Gacanka Cadan isagoo isticmaalaya maraakiibtiisa dagaal,” ayuu yidhi Kafash.

    β€œDabcan, tani waxay ciirin doontaa miisaanka. Uma malaynaayo in heshiiskan loo saxiixay heshiiska iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya oo keli ah,”yuu sheegay isagoo hadalka sii wata.

    β€œMaadaama Gobolkaan Geeska Africa uu yahay midka ugu muhiimsan marinbiyoodyada adduunka, dhammaan dalalkuna ay wada danaynayaan, waxyaabo badan oo muhiim ah ayaa ka dhallan kara”.

    Heshiiska waxaa lagu tilmaamay mid deg deg ah oo muddo kooban lagu saxiixay

    XIGASHADA SAWIRKA,ANADOLU AGENCY

    Qoraalka sawirka,Heshiiska waxaa lagu tilmaamay mid deg deg ah oo muddo kooban lagu saxiixay

    Sababta ay Soomaaliya u doorbiday Turkiga

    Diblumaasi ayaa aya ka faalooday sababta dal kale heshiis noocan ah aysan Soomaaliya ula gelin, isagoo dhahaya β€œSanado badan, Soomaaliya waxay la daaladhacaysay colaado iyo dagaalo sokeeye, taas oo sababtay dhicitaanka dowladda, dagaaladaan intay socdeen wadamo badan iyo kuwa deriska ah ba waxay taageerayeen qayb colaadda kamid ah, taas oo sababtay in xaaladdu sii xumaato.

    Dhanka kale Turkigu waxuu noqday mid si jogtay ah u xaqiijiya taageerada midnimada Soomaaliya iyo ka shaqayntiisa dowlad dhexe, waxuuna kasoo horjeedsaday madaxbannaani sheegadka Somaliland.

    Madaxa Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka ee Afrika ee Istanbul Mustafa EFE, waxuu aaminsanyahay xidhiidhka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya in uu leeyahay β€œGundheeri taariikheed, labada wadana wadaagaan taariikh mid ah oo 381 sano, taas oo soo taxan tan iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

    Qiimaha gargaarka bini’aadantinimo, dhaqaalaha iyo caawinta bulshada ay Ankara ugu deeqday Muqdisho waxuu gaadhayaa hal bilyan oo doolar, Turkiguna waxuu dhisay garoomo diyaaradeed, jidad, isbitaalo iyo dhismayaal dowladeed, waxaana jira kumaan arday Soomaaliyeed ah oo waxka barta Turkiga, sidaas darteed Turkigu waxuu ku leeyahay boos muhiimta quluubta Soomaalida.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.