Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil argagax leh oo ka dhacay xeebaha waqooyi galbeed ee Jasiiradda Madagaskar, kadib markii ay ay ku dageen laba doonyood oo siday muhaajiriin ay ku jiraan kuwa Soomaali ah.
Ugu yaraan 28 qof oo ah muhaajiirin Soomaali ah ayaa kamid noqday dadka dhintay, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo lasoo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar oo qoraal soo saartay.
Shilka aya ayimid, kadib markii labada doonyood oo siday illaa 66 rakaab ah ay ka baxeen Soomaaliya 2-dii bishaan Novermber, iyaga oo kusii jeeday jasiiradda Mayotte ee uu maamulo Faransiiska.
Wararka ayaa intaasi kusii daray in labada doonyood ay soo wajahday cilad dhinaca matoorka ah oo keentay in ay biyaha ku go’doomaan, kadibna ay dhacday dhimasho badan.
Howlgal ay sameeyeen kuluumeysatada Malagasy ayaa waxaa muddo kadib lagu helay mid ka mid ah doonyaha, waxayna keeneen halka loo yaqaano Nosy Be.
Sidoo kale waxaa lasoo bad-baadiyay illaa 48 qof oo hadda ku jira xarumaha caafimaadka Madagaskar, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.
Dhinaca kale Danjiraha Soomaaliya ee Ururka Midowga Afrika Cabdullaahi Warfaa oo ka hadlay musiibadan ayaa xaqiijiyay in weli ay socdaan howlgallada baaritaannada ah, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso Madagascar.
Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.