Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Dilka oo dhacay xalay dhaq-dhexe ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka oo ku sugnaa xaafadda Shaqaalaha ee magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.
Sidoo kale waxaa xaafadda uu dilka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.
Toogashadaan ayaa waxaa la xiriirinayaa inay fuliyeen Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fulisa deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.
Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaas iyo howlgallada xigay.
Ammaanka Kismaayo ayaa muddooyinkii u dambeeyay daganaa, waxaana howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka waday ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland.
Kismaayo ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka uu haatan ka socdo diyaar-garowga wajiga labaad ee dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.