Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

      September 3, 2025

      Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

      September 2, 2025

      Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

      September 2, 2025

      Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

      September 2, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

      September 3, 2025

      Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

      September 2, 2025

      Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

      September 2, 2025

      Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

      September 2, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Faah-faahin: Dowladda iyo Al-Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii Ceeldheer

    Faah-faahin: Dowladda iyo Al-Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii Ceeldheer

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 8, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud gaarahana degmada Ceel-dheer ayaa sheegaya in xaaladda deegaankaasi ay deggentahay kadib markii saaka uu halkaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo halkaa saldhig ku leh iyo Al-shabaab.

    Dagaalka ayaa yimid kadib markii weerar ay Shabaab soo qaadeen waaberigii hore uu ku bilowday qaraxyo kadibana isku badelay dagaal toos ah oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus.

    Weerarkaan ayay Al-shabaab ku qaadeen laba saldhig oo ay ku sugnaayeen milittariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gor-gor sida uu wasiirka amniga Galmudug u sheegay BBC-da

    Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa si isku mid ah u sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iska kaashanaya.

    Hadal uu bartiisa Facebook, ku faafiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee dowladda federaalka Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa waxaa uu ku yiri, ’’Khawaarijta si adag ayaa loogu jabiyay Ceeldheer, Alle ayaa mahadsan, Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha deegaanku waa mahadsanyihiin, dhamaystirka hawlgalka ayaa socda,’’.

    Dhankiisa wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hayeen xogta weerarka oo ay u diyaar garoobeen isla markaana ay kaga awood roonaadeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

    Wasiir Gaboobe ayaa intaasi raaciyay in khasaare badan uusan soo gaarin ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

    ’’Dhinaca ciidamada khasaare weyn ma gaarin waa uun dhaawacyo ayaa jira ilaaheyna waa u dhib yareeyay markaa sidii ay is lahaayeen iyo sida iyaga dhibka ugu dhacay ayaa aad u kala duwan ilaaheey mahadiis weeye koleey dagaal haduu dhaco dhaawac iyo dhimasho wax uun waa imaanayaan,”.

    Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa baahiyay war ka soo baxay kooxda ay ku sheegteen in dhankooda ay guulo ka gaareen dagaalka isla markaana ku dhawaad 60 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda halkaasi ay ku dileen sidoo kale ay hub iyo gaadiid ku qabsadeen.

    Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac, ma jirto cid si madax bannaan BBC-da ugu xaqiijisay sida halkaa wax uga dhaceen iyo khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray.

     

    Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaalia

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Xaaladda goobtii dagaalka

    Wararka naga soo gaaraya goobtii uu weerarku ka dhacay ayaa sheegaya in wali uusan deganeyn xaalka goobta oo ay dhaq-dhaqaaqyo amni ay ciidanku ka wadaan aagga ay ku yaaleen fariisamaha.

    Xiriiro kala duwan oo aan isku day’nay in aan la sameyno dadka deegaanka ayaan noo suurta galin in helno sababo la xiriira isgaarsiinta degmadaas oo liidata.

    Waxaana la soo warinayaa in is-gaarsiinta deegaanka uu sameyn ku yeeshay dagaalku.

    Sidoo kale maamulka Galmudug ayaa sheegay in degmada Ceeldheer ay gaareen ciidamada horleh oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya.

    Mid kamid ah weeraradii u danbeeyay ee Al-shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidamad ayaa dhacay bishii Maarso ee sanadkaan iyagoona ku qaaday saldgig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose, gaar ahaan meel u dhaw deegaanka Busleey, iyadoo uu halkaasi ku dhintay Sargaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Milatariga oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Golcad.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.