Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Faadumo: Gabadha dahabka iyo gaariga ku heshay Quraanka oo ay laba jeer tartan ku gashay

    Faadumo: Gabadha dahabka iyo gaariga ku heshay Quraanka oo ay laba jeer tartan ku gashay

    By radiohalgan.comMarch 19, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

     

    Markeedii koobaad ee ay tartanka ka qayb galaysay oo ahayd sanadkii hore ee aan soo dhaafnay, qiyaas kama aysan haysan waxa ay kala kulmi doonto. In ay aad u casanaysay ayay sheegtay.

    Gaari Toyota ah oo nuuciisu yahay Surf ayay noqotay natiijada tartankaas walwalka badan ku abuuray, taas oo farxad iyada qoyskeedaba u noqotay.

    Balse tartanka sanadkaan dhacay ee ay ka qayb gashay way ka duwaneed sidii hore Faaduma Jamaal -way ka dhiirraneyd, wayna ka kalsooni badaneed. Filashadeeduna waxa ay ahayd guul.

    Faadumo ayaa sanadkaan ka qayb gashay tartan Quraan oo u gaar ah gabdhaha oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Gabadhaan 15 jirka ah ayaa guul kala soo hoyotay tartanka lagu baratamayay quraan xifdiska ee la aqrinayay 30 ka Jus ee ka kooban yahay Quraanku.

    Faadumo oo lagu wareerijinaayo furaha gaadhiga

    XIGASHADA SAWIRKA,YAHYE HUSSEIN

    β€œWax weyn bay iiga dhigantahay in aan ku guuleysto tartanka Quraanka, dedaal badan oo aan sameeyay iyo Ilaahay oo ii sakhiray baana ku gaadhay.” Iyada oo dareenkeedda farxadeed ayay sidaas u sheegtay BBC da Faadumo.

    Waxay sheegtay in aad ugu diyaargarowday si ay ugu guuleysto tartankaan.

    β€œMaadaama oo juhdi badan laygusoo bixiyay anna aan soo dadaalay waan rejaynaayay in aan gali doono kaalmaha hore Ilaahayna waanka baryay”, ayay hadalkeeda raacisay.

    Aqriska iyo xifdiska ay ugu diyaar garowday tartankaan ka sokoow ayay sheegtay in ay mahad u heyso waalidkeeda oo dadaal wayn ku bixiyay xifdiskeeda Quraanka. Waxay aaminsan tahay in waalidkeed ay yihiin halyeeyada dhabta ah ee guushaan soo hooyay.

    β€œLabadayda waalid [aabo iyo hooyo] kaalin weyn bay ku lahaayeen in aan tartamada ku geelaysto. Waad taqaanaa oo qof la dhalay oo waalid loo yahay dadaalka lagu bixinaayo mid yar in uusan ahayn. Waxaa ka mid ahaa [dadaalka] 24 saac waanada, dhaqaalaha iyo haday I arkaan annigoo sii niyad jabaya in wax niyadayda kor usoo qaadaya ay ii sameeyaan oo ay iisoo gadaan.” Ayay tidhi Faadumo.

    Sawir muujinaya abaalmarinada la guddoonsiin doono tartamayaasha tartanka ay qabatay madasha Ayjal

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Sawir muujinaya abaalmarinada la guddoonsiin doono tartamayaasha tartanka ay qabatay madasha Ayjal

    Asli Maxamed Cabdullaahi – Hooyada dhashay Faadumo, waxay aad ugu riyaaqsan tahay in dadaalkii ay ku bixisay gabadheeda uu yahay mid mirodhal ah. Tatan ay ka qayb galeen gabdho badan in ay guul ka soo hoysay ayaa u ah waxa ay ku cabireyso guusha daadlkoodu keenay.

    β€œFarxad bay ii tahay in gabadhaydu mar labaad ku guuleysato tartanka alxamdulilaah, si fiican bay u dadaali jirtay macallin caajiib ah oo la dadaalaayay baana macallin u ahaa” hooyada oo hadalkeeda sii wadata waxay sheegtay muhiimadda ay leedahay in ilmaha isaga oo yar ay tahay in la baro Quraanka.

    β€œCunugu marku yaryahay oo shan sanno jiro quraanka hala geeyo, wax kalena yaan la barin. Markaas buu ilmuhu noqon karaa mid meel u jeeda oo xaafid ah. Markuu Quraanka barto isagoo qalbigiisu fiicanyahay waxyaabaha kalena way u dhibyaraanaysaa barashadooda”, ayay BBC da u sheegtay hooyo Asli.

    Sanadkii 2023 kii tartan ay Faadumo usoo safartay ku dhawaad 700 km si ay uga qayb gasho tartan Quraan oo ka dhacayay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaadh ka ah ee Jubaland, iyada oo uga timid magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

    Faadumo tartankaas ma aysan noqon qofka kaalinta koobaad galay. balse maadaama ay ahayd gabar yar oo hammi wanaagsan ku jiray ayuu madaxweynaha Jubaland ku abaal mariyaygaadhi gaari nooca Toyota Surf ah ee soo baxay sanadkii 2022 ga, oo qiimihiisu markaas joogay in ka badan $10,000.

    Qoyska Faadumo waxay u guureen magaalada garowe ee Caasimadda Puntland, iyada oo sanadkaan qayb ka noqotay ardey ka qayb galay tartan Quraan oo ka dhacay magaalada Boosaaso

    Waxay gashay kaalinta koobaad ee tartanka waxaana lagu abaal mariyay 50 Gram oo dahab ah oo dhiganta.

    Faadumo iyada oo si farxadleh uga hadlaysa guusheedan hadda waxay talo siinaysaa filkeed oo ay ku waaninayso in ay adeecaan waalidkood.

    Faadumo waxay rajeneysaa mustaqbalka dhaw in ay raadiso sidii ay uga qayb gali lahayd tartamada caalamiga ah ee ka dhaca dunida, guulana uga soo hoyn leheed.

    “Insha Allaah waxaana rejaynayaa mustaqbalka tartamo caalami ah [Soomaaliya aanku metelo] in aan ka qayb galo.”

     

    Mowduucyada la xiriira BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.