Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Faadumo: Gabadha dahabka iyo gaariga ku heshay Quraanka oo ay laba jeer tartan ku gashay

    Faadumo: Gabadha dahabka iyo gaariga ku heshay Quraanka oo ay laba jeer tartan ku gashay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 19, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

     

    Markeedii koobaad ee ay tartanka ka qayb galaysay oo ahayd sanadkii hore ee aan soo dhaafnay, qiyaas kama aysan haysan waxa ay kala kulmi doonto. In ay aad u casanaysay ayay sheegtay.

    Gaari Toyota ah oo nuuciisu yahay Surf ayay noqotay natiijada tartankaas walwalka badan ku abuuray, taas oo farxad iyada qoyskeedaba u noqotay.

    Balse tartanka sanadkaan dhacay ee ay ka qayb gashay way ka duwaneed sidii hore Faaduma Jamaal -way ka dhiirraneyd, wayna ka kalsooni badaneed. Filashadeeduna waxa ay ahayd guul.

    Faadumo ayaa sanadkaan ka qayb gashay tartan Quraan oo u gaar ah gabdhaha oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Gabadhaan 15 jirka ah ayaa guul kala soo hoyotay tartanka lagu baratamayay quraan xifdiska ee la aqrinayay 30 ka Jus ee ka kooban yahay Quraanku.

    Faadumo oo lagu wareerijinaayo furaha gaadhiga

    XIGASHADA SAWIRKA,YAHYE HUSSEIN

    “Wax weyn bay iiga dhigantahay in aan ku guuleysto tartanka Quraanka, dedaal badan oo aan sameeyay iyo Ilaahay oo ii sakhiray baana ku gaadhay.” Iyada oo dareenkeedda farxadeed ayay sidaas u sheegtay BBC da Faadumo.

    Waxay sheegtay in aad ugu diyaargarowday si ay ugu guuleysto tartankaan.

    “Maadaama oo juhdi badan laygusoo bixiyay anna aan soo dadaalay waan rejaynaayay in aan gali doono kaalmaha hore Ilaahayna waanka baryay”, ayay hadalkeeda raacisay.

    Aqriska iyo xifdiska ay ugu diyaar garowday tartankaan ka sokoow ayay sheegtay in ay mahad u heyso waalidkeeda oo dadaal wayn ku bixiyay xifdiskeeda Quraanka. Waxay aaminsan tahay in waalidkeed ay yihiin halyeeyada dhabta ah ee guushaan soo hooyay.

    “Labadayda waalid [aabo iyo hooyo] kaalin weyn bay ku lahaayeen in aan tartamada ku geelaysto. Waad taqaanaa oo qof la dhalay oo waalid loo yahay dadaalka lagu bixinaayo mid yar in uusan ahayn. Waxaa ka mid ahaa [dadaalka] 24 saac waanada, dhaqaalaha iyo haday I arkaan annigoo sii niyad jabaya in wax niyadayda kor usoo qaadaya ay ii sameeyaan oo ay iisoo gadaan.” Ayay tidhi Faadumo.

    Sawir muujinaya abaalmarinada la guddoonsiin doono tartamayaasha tartanka ay qabatay madasha Ayjal

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Sawir muujinaya abaalmarinada la guddoonsiin doono tartamayaasha tartanka ay qabatay madasha Ayjal

    Asli Maxamed Cabdullaahi – Hooyada dhashay Faadumo, waxay aad ugu riyaaqsan tahay in dadaalkii ay ku bixisay gabadheeda uu yahay mid mirodhal ah. Tatan ay ka qayb galeen gabdho badan in ay guul ka soo hoysay ayaa u ah waxa ay ku cabireyso guusha daadlkoodu keenay.

    “Farxad bay ii tahay in gabadhaydu mar labaad ku guuleysato tartanka alxamdulilaah, si fiican bay u dadaali jirtay macallin caajiib ah oo la dadaalaayay baana macallin u ahaa” hooyada oo hadalkeeda sii wadata waxay sheegtay muhiimadda ay leedahay in ilmaha isaga oo yar ay tahay in la baro Quraanka.

    “Cunugu marku yaryahay oo shan sanno jiro quraanka hala geeyo, wax kalena yaan la barin. Markaas buu ilmuhu noqon karaa mid meel u jeeda oo xaafid ah. Markuu Quraanka barto isagoo qalbigiisu fiicanyahay waxyaabaha kalena way u dhibyaraanaysaa barashadooda”, ayay BBC da u sheegtay hooyo Asli.

    Sanadkii 2023 kii tartan ay Faadumo usoo safartay ku dhawaad 700 km si ay uga qayb gasho tartan Quraan oo ka dhacayay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaadh ka ah ee Jubaland, iyada oo uga timid magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

    Faadumo tartankaas ma aysan noqon qofka kaalinta koobaad galay. balse maadaama ay ahayd gabar yar oo hammi wanaagsan ku jiray ayuu madaxweynaha Jubaland ku abaal mariyaygaadhi gaari nooca Toyota Surf ah ee soo baxay sanadkii 2022 ga, oo qiimihiisu markaas joogay in ka badan $10,000.

    Qoyska Faadumo waxay u guureen magaalada garowe ee Caasimadda Puntland, iyada oo sanadkaan qayb ka noqotay ardey ka qayb galay tartan Quraan oo ka dhacay magaalada Boosaaso

    Waxay gashay kaalinta koobaad ee tartanka waxaana lagu abaal mariyay 50 Gram oo dahab ah oo dhiganta.

    Faadumo iyada oo si farxadleh uga hadlaysa guusheedan hadda waxay talo siinaysaa filkeed oo ay ku waaninayso in ay adeecaan waalidkood.

    Faadumo waxay rajeneysaa mustaqbalka dhaw in ay raadiso sidii ay uga qayb gali lahayd tartamada caalamiga ah ee ka dhaca dunida, guulana uga soo hoyn leheed.

    “Insha Allaah waxaana rejaynayaa mustaqbalka tartamo caalami ah [Soomaaliya aanku metelo] in aan ka qayb galo.”

     

    Mowduucyada la xiriira BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.