Maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa warqad codsi ah u diray Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya oo horay ugu wargelisay in Magaalooyinka deegaannada Maamulka Somaliland ka baddesho kana dhigto Soomaaliya.
Xaanshida ay soo dirtay Ethiopian Airlines waxa ay ku codsatay muddo 2 cisho ah, mana sheegin in labadaas maalin kaddib ay si rasmi ah u qaadaneyso go’aanka Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya iyo in ay ganafka ku dhufanayso.
Ethiopia Airlines ayaa Duullimaad joogta ah ka sameysa Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo kuwo kale oo katirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse Itoobiya ayaa duullimaadkeeda Gobollada Waqooyi u adeegsata ‘Somaliland’.
Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa 1dii Janaayo 2024 waxa ay shaacisay heshiis ka dhan ah Madaxbannaanida, Wadajirka iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii ay shaacisay heshiis badeed ay la gashay Maamulka Somaliland.
Tallaabadaas ay qaadday Addis Ababa waxa ay xiisad horleh kala dhex dhigtay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, Dowladda Federaalka ayaa kahor timid go’aanka Itoobiyaanku ku kala qaybinayo Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Shirkadda Fly Dubai ayaa dhankeeda dhaqangelisay go’aanka kasoo baxay Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya oo awood buuxda u leh in ay Hawada Dalka u diido cidii aan fulin heerarka Waddanka uu leeyahay, halka cidda fulisana fasax u siin karo.
La soco wixii kasoo kordha