Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Erdogan oo sheegay in guusha Falastiiniyiintu ku jirto midnimadooda ka dib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Xamaas

    Erdogan oo sheegay in guusha Falastiiniyiintu ku jirto midnimadooda ka dib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Xamaas

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 21, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Booqashada hadda ee Turkiga uu ku gaaray madaxa siyaasadda ururka Xamas Ismaaciil Haniya ma ahayn bilow wada tashi ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Xamaas, iyadoo ay wararku sheegayaan in kulamo hore oo Doxa ku dhex maray Haniyeh iyo ergada Erdogan.

    Waa booqashadii ugu horeysay ee Haniyah uu ku tago dalka Turkiga tan iyo 7-dii October, waxaana ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo doorka Turkiga uu yeelanayo muhiimad gaar a.h

    Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Qadar dib u qiimayn ku samayn doonto doorkeeda dhexdhexaadinta wadahadalada xabad joojinta Qasa.

    Qadar ayaa muddooyinkii u danbaysay isku dayeysay inay door k aciyaarto iyadoo garab ka helaysa Masar iyo Maraykabka in xabbad joojin laga dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas si loo sii daayo la haystayaasha Israa’iil, gargaarna loo gaarsiiyo dadka Qasa.

    Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa carabka ku adkeeyay “in Dooxa laga faa’ideystay, lagu xad-gudbay laguna wiiqay kuwa isku dayaya in ay helaan dhibco siyaasadeed.”

    Wuxuu intaas ku daray in wadahadallada nabadeed ee hadda socda ay marayaan heer xasaasi ah.

    Isku daygii lagu doonayay in xabad joojinta lagu xaqiijiyo ayaa lagu guul dareystay, balse xiriirka Qatar kala dhexeeya dhammaan dhinacyada oo ay ku jiraan xiriirka dhow ee Xamaas ayaa muhiim u ah in la gaaro horumar kasta.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dadaallada dalkiisa ay wiiqayaan siyaasiyiin doonaya inay helaan dhibco siyaasadeed, wuxuuna ku daray shir jaraa’id oo uu Arbacadii ku qabtay magaalada Dooxa: “Nasiib-darro, waxaan aragnay in dhexdhexaadintan lagu takri-falo iyadoo dano siyaasadeed laga leeyahay. …Taasi waxay la macno tahay in Dawladda Qatar ay ku baaqday in la qiimeeyo.”

    Waqtiga booqashada Haniyah

    KULANKA ERDOGAN IYO HANIYAH

    XIGASHADA SAWIRKA,PPO/REUTERS

    Booqashada Haniyah ee Turkiya hadda ayaa la dul dhigayaa xilligan su’aal ah waxa ay tahay saamaynta ay xambaarsan tahay?

    Mase jiri doontaa tallaabo lagu buuxiyo madowga diblomaasiyadeed ee ka dhalan doona in Qadar ka baxdo doorka dhexdhexaadinta.

    Turkiguse miyuu helayaa kalsoonida dhinaca Israel dhexdhexaadiyaha si uu heshiis ula gaaro Xamaas?

    Saraakiisha Israa’iil ayaa dhaleeceeyay waxa ay ku tilmaameen in Turkigu uu u huray danaha Israa’iil ee ku xidhan Xamaas, iyadoo Turkigu sidoo kale la og yahay in uu xidhiidh ganacsi kala dhexeeyo Israa’iil, inkasta oo Erdogan uu Haniyeh u sheegay in Turkigu uu Israa’iil ku soo rogay cunaqabatayn is daba joog ah oo ay ka mid tahay. xayiraadaha ganacsiga.

    Falcelintii ugu horeysay ee Israa’iil ay ka bixisay kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Katz, wuxuu weeraray Madaxweynaha Turkiga, isagoo si adag u jeediyay khudbad kulanka kaga hadlay ayuu yiri “ Tani waa kugu ceeb”

    Erdogan, wuxuu u sheegay Haniyah, inti kulanku socday in muhiimada ay u leedahay midnimad Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro marxaladan, isagoo xusay in jawaabta ugu adag ee Israa’iil iyo guushu tahay midnimo

    Wuxuu intaa ku daray Erdogan in dalkiisu uu kusoo rogay Israa’iil cunaqabatayn is daba joog ah oo ay ka mid tahay xayiraad dhanka ganacsiga ah.

    Madaxweyne Erdogaan ayaa sheegay in Israa’iil ay lama huraan tahay in ay maalin uun bixiso “qiimaha xaqdarrada ay ku hayso falastiiniyiinta,” wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalkiisu uu sii wadi doono in uu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo caddaalad darradaas.

    Wargeyska Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in Xamaas ay kala xaajoodeen ugu yaraan laba dal oo gobolka ku yaalla, sidii hogaamiyaashooda ugu wareeji lahaayeen

    Arrintan ayaa wargaysku ku macneeyey isagoo xiganaya illo dublamaasiyadeed in tallaabada Xamaas ay ku timid ka dib markii dhexdhexaadiyeyaal ka socda Masar iyo Qatar

    ERDOGAN IYO HANIYAH

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Waxa ay tilmaantay in mar kale uu hakad ku jiro wadahadalada,iyada oo aysan jirin wax calaamado ah ama suurta gal ah in dib loo bilaabo dhawaan,isla markaana ay sii kordhayso is aaminaad la’aanta u dhaxeysa Xamaas iyo wada xaajoodyada.

    Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in intii uu socday kulanka Erdogan iyo Haniyeh, laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin in xabad joojin laga sameeyo Gaza sida ugu dhaqsiyaha badan, kordhinta gargaarka bini’aadantinimo, sii deynta la haystayaasha, iyo sidii labada dowladood xal loogu heli lahaa nabad waarta.

    Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Qasa, Madaxweynaha Turkiga ayaa isku dayay inuu dhexdhexaadiyo, balse dadaalkiisa ma uusan keenin wax natiijo ah, sababo la xiriira dhaleeceynta Israa’iil ee mowqifyada Turkiga.

    Mowduucyada la xiriira

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.