Sida Mustaqbal ay u sheegeen Dad doonayay in ay isaga kala gudbaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxaa saakay hakad galay guud ahaan Diyaaradii sida joogtada ahaa duullimaadka uga dhex sameyn jiray labadaan Magaalo.
Qaar kamid ah Dadkaan oo weli ku xayiran Garoomada Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho & Shaati gaduud oo Baydhabo ah ayaa sheegay in aanay jirin wargelin la xiriirtay in duullimaadkooda baaqday balse markii ay garoomada tageen ay ogaadeen.
Si dhab ah looma oga sababta keentay in uu joogsado duullimaadka Muqdisho iyo Baydhabo Laakiin waxaa aad loo hadal hayaa in arrintaan ay salkeedu tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Weli si dhab ah ugama hadlin Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka hoostaga ee Koofur Galbeed si loo ogaado sababta keentay in duullimaadka Magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo uu maanta hakad galo.
La soco wixii kasoo kordha