Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso waxaa maanta hakad ku jira Duullimaadkii maalin laha ahaa ee Gigadaas kaddib markii ay sii xooggeysatay xiisadda ka dhex jirta Ciidamada ammaanka Puntland ee sida gaarka ah u tababaran loona soo gaabiyo PSF & Kuwa amniga Garoonkaas gacanta ku haya.
Xiisaddaan oo salkeedu tahay is hor istaag lagu sameeyay Askar ka dhaawacantay PSF oo la doonayay in laga qaado garoonkaas oo ay diideen Ciidamada amniga Gigadaas maamula, waxaa xigay warqad kasoo baxday Ciidankaas loo diiday in ay dhaawacyada ka qaadaan Magaalada Boosaaso.
Ciidanka PSF ayaa qoraal dhowaan kasoo baxay oo ay uga falceliyeen tallaabadaas waxa ay Dadka degen agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ugu baaqeen in ay ka fogaadaan, hadalkaas ayaa laga dhaxlay in suuragal ay tahay in uu weerar ka dhici karo maadaama lasii raaciyay in aanay Garoonka u xirnaan doonin Dad gaar ah sida hadalka loo dhigay.
Xaalka waxa uu sii xumaaday kaddib markii Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo saacado kahor ka hadlay xiisaddaan ayaa sheegay in aanay Magaalada Boosaaso ka jirin labo Dowlad, waxa uu intaas ku daray in maamulka Garoonkaas ay leedahay Dowlad-goboleedka Puntland.
Dagaal horay Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada Amniga ee sida gaarka ah u tababaran ee loosoo yareeyo PSF iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismo ku yaalla goobihii ay ku dagaalameen labada dhinac inkasta oo markii dambe la xaliyay.