Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta howlgalka deg deg ah ee Caafimaadka dadweynaha.
Xarunta oo laga hirgeliyay degmada Xamar weyne ayaa ah mid la socon doonta dhaq dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaad ee ka jira gobolka banaadir iyo ururinta xogaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaad iyo badqabka bulshada.
“Waxaan rajeynaya in agaasinka Caafimaadka uu xooga saari doono arrimaha Faya_dhowrka si loo ilaaliyo badqabka Bulshada, waxaa la ogaaday dad badan oo qaba AIDS, kana shaqeynaya Isbitaallada Muqdisho waa arrin qatar ah, waxaa muhiim ah inaad ka warqabtaan oo aad koormeertaan Caafimaadka Shaqaalaha ka howlgala xarumaha Caafimaadka,” ayuu yiri duqa Caasimadda Yuusuf Madaale.
Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa sheegay in xaruntaan ay muhiim u tahay dadweynaha isla markaana dabooli doonto adeegyada Caafimaad oo ay baahi weyn u qabaan Shacabka Caasimadda.