Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Dudaaye oo shaaciyay arrinta ka dambeysa dilalka sii kordhaya ee Muqdisho

    Dudaaye oo shaaciyay arrinta ka dambeysa dilalka sii kordhaya ee Muqdisho

    By radiohalgan.comFebruary 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida aad ka war qabtaan, waxa sii badanaya dilalka ula-kaca ah ee ay geysanaayaan dadka rayidka ah, dadka rayidka ah waxan ula jeedaa qof kasto oo aan ka tirsaneyn ciidamada noocyadadooda kala duwan. Waxa aan filayaa in aad is weydiisay sababta ka danbeyso arintaas, sida aan aniguba isku weydiiyay.

    Marka aan isku dayay jawaabta suโ€™aashaas, waxaa ii soo baxday in gaabiska Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha rayidka ah ee lagu rido eedeysanyaasha aan askarta ahayn ee ku kaco dilalka kaska ah, ay tahay sababta ugu weyn ee ka danbeyso kororka dilalkaas. Wali miyaad maqashay amaba aad aragtay danbiile rayid ah oo geystay dil kas ah ee la geeyay tiirka qisaasta si loogu fuliyo xukunkii lagu riday? Waan aragnaa dabiilayaal ka tirsan ciidamada qalabka sida oo la geeyay tiirka qisaasta si loogu filiyo xukunno ay ku riday Maxkamadda ciidamada qalabka sida. I xasuusi, hadii aan ilowsanahay, qof Maxkamad rayid ah ay ku xakuntay dil toogasho ah oo lagu fuliyay xukunkii lagu xakumay muqdisho dhexdeeda hadii aad adigu ogtahay ama aad maqashay.

    Sidaba masโ€™uuliyadda dhaqaajinta dacwadda loo haysto eedeysanaha geystay dilka ulakaca ah ay u saaran tahay XXIG ee qaranka, ayey masโ€™uuliyadda dhaqaajinta fulinta xukunka lagu rido eedeysanahaasi u saarantahay isla xafiiska. XXIG ayaa qaranka wakiil uga ah eedeynta eedeysanayaasha geystay dilalka bareerka ah, Isla xafiiska ayaana qaranka wakiil uga ah dhaqaajinta iyo weydiisashada fulinta xukunnada ka soo baxo dacwadahaasi uu dhaqaajiyay. Waan aragnaa XXIG ee Qaranka oo dhaqaajinaayo dacwad lidi ku ah eedeysane lagu tuhmaayo geysashada fal-danbiyeed, gaar ahaan dil kas ah, balse ma aragno Xafiiska oo weydiisanaaya fulinta xukunnada ka soo baxo dacwadi uu dhaqaajiyay, taasina waxa ay dhalisay in Maxkamadaha rayidka ah ay soo saaraan xukunno toogasho ah, laakin dadki lagu xakumay ay xabsiga dhexe ka buuxaan. Suโ€™aasha aanan ka jawaabi karin ayaa ah: waa maxay sababta XXIG ee Qaranka uga gaabiyay masโ€™uuliyadaan ballaaran ee qaranku u wakiishay?

    Xeer-ilaalinta Guud ee Ciidamadda Qalabka Sida oo qaranka wakiil uga ah eedeynta askarta ka tirsan ciidamada ee geysta faldanbiyeedyada, waxa ay weydiisataa fulinta xukunnada ka soo baxo Maxkamadda ciidamada, waana laga ogolaadaa, dabadeedna waa la fuliyaa. Taasina waxa ay dhalisay hoos u dhaca danbiyada dilalka kaska ah ee ay geystaan ciidamada qalabka sida. Sidaas si la mid ah, waxa ay ahayd, in XXIG ee qaranka oo wakiil nooga ah eedeynta dadka rayidka ee geysta danbiyada dilalka ah, asaganu uu weydiisto fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha Rayidka, dabadeedna laga ogolaada, lana fuliyo, si ay hoos ugu dhacaan dilalka ay geysanayaan dadka rayidka ah.

    Waa sax in ay jiraan eedeysanayaal rayid ah oo geystay dil kas ah oo xafiisku dacwad ku oogay, laguna xakumay dil toogasho ah, hayeeshee, waa maxay xikmadda ku jirto in waqti iyo qarashba lagu bixiyo soo qabashada eedeysanaha, barista iyo ka gungaarista kiiskiisa, eedeyntiisa, maxkamadeyntiisa, iyo xukun ku rididiisa; dabadeedna, xabsiga dhexe ay buux dhaafiyaan xukumanayaal ku xakuman dil toogasho ah, taasina ay dhaliso kaliya in sanad walbo loo baahdo kordhinta miisaaniyada ciidamada asluubta, maadaama ay maxaabiistu sii kordheyso; sidaas oo kale, loo baahdo kordhinta miisaaniyada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la qaato Xeer-ilaaliyayaal cusub, maadaama ay sii badanaayaan eedeysanyaasha oo aynan jirin meel marinta ciqaab ay ku waaniso qaataan dadka qaloocan?

    Waxa ay ila tahay in uusan shaki kaaga jirin in fulinta qisaasta ay yareyneyso dilalka kaska ah, maxaa yeelay Quraanka ayaa na baraayo in ay isku xiran yihiin qisaasta iyo nolosha dadka oo hadii qisaas jirto ay badbaadeyso nolasha dadka, hadii aynan qisaas jirinna ay nolosha dadku dayacan tahay oo dadka dilaayaasha ah cidda ay doonaan ay dilaayaan marba hadii aanan loo qisaasi doonin.

    Ugu danbeyn, waxaan kula talinayaa XXIG ee Qaranka in uu ka soo dhalaalo masโ€™uuliyaadka muhiimka ah ee loo xilsaaray, madaxda qarankana waxaa la gudboon in ay kula xisaabtamaan masโ€™uuliyiinta Xafiiska Xeerilaalinta gudashada waajibaadka loo xilsaaray.

    ย  W/Qย ๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ข๐ข๐ง (๐ƒ๐ฎ๐๐š๐š๐ฒ๐ž)

    Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.ย Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo raโ€™yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaadaย caasimada@live.comย Mahadsanid

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.