Lataliyaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Hir-shaballe Dr Maxamed Daad ayaa yiri
Ma saxbaa xilka-qaadista afarta (4)wasiir ee dowlada Hirshabeele?
Tastuurka Dowlad goboleedyadda wuxuu qorayaa in xilalka waaweyn sidda wasiiradda iyo Taliyesha Ciidamadda uu sameyn karo isku shaandheyn iyo xil-qaadis uu sameyn karo Madaxweynaha Maamul goboleed kaliya.
Madaxweyne x/Xigeenka dowlada Hirshabeele maanta wuxuu soo qoray Inuu xilkii kaqaaday Afar wasiir balse xikqaadistaas Ma ahan mid waafaqsan sharciga dowladnimadda, waana warqad baalmarsan Tastuurka Dowlad Hir-shaballe
Sidda aan lasoco ama aan warqadan dusheeda sare kusoo qoray xilka wasiirada iyo taliyeyaasha Ciidamadda Maamulada dalka waxaa xil kaqaadi karo ama Magacaabi karo Madaxwene Cali Guudlaawe Hussein balse sharciga madhigayo in Madaxweyne xigeenka Hir-shaballe uu xil kaqaadis ku sameeyo wasiir ama wasiiro kashaqeeynayo shaqooyinkii loo igmaday isla markaane u shaqeeynayo dadkooda iyo dalkooda.
Madaxweyne /xigeenku shaqadiisu wexeey ku kooban tahay oo kaliya odoy iyo Inuu latashiyo lasameeyo Madaxweynaha dowlada Hirshabeele balse xil waxaa wasiir kaqaadi karo Madaxweyne Cali Guudlaawe
Ugu dambeyn waxaan qoraalkeeyga kusoo afjarayaa ineey shaqadooda iyo waajibaakoodii ahaqo ay qabsan karaan ilaa ay warqad kahelaan Madacweyne Ali Cabdullaahi xussein (M.Ali guudlaawe) warqad xilkaqaadis islamaekaane lagu faafiyo boga Rasmiga ah ee Dowlad Hirshabeele.
Ugu dambeyn waxaan qoraalkeeygan kusoo afmeerayaa in wasiirada ay qasadaan shaqooyinkooda iyo waajibaadkii loo igmada
Wasiirada Maanta Xilka ka qaday Madaxweyne Ku-Xigeenka Yuusuf Dabageed asoo Wax tashi ah lasmeeynin Madaxweynaha Hir-shaballe oo ku sugan Muqdisho iyo Gudoonka Baarlamaanka Hirshabeelle wax idan ah ka haysan ayoow Xil ka qaday Sifo sharci darro ah
1: Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Maxamed Faarax Cali.
2: Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Zakariye Khaalid Cabdi.
3: Wasiirka wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka Raxmo maxamed Gulle.
4:Wasiirka War-faafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Maxamed Muuse.
W/Q Lataliyaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Hir-shaballe Mudane Maxamed Daad