Muranada dhulalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqdeen kuwo aan la kala reebi karin marwalba oo uu xafiiska joogo madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya.
Dhulka xaafada dab-demiska oo ah dhul ay lahaan jirtay waaxdii dab-demiska ayaa noqday dhulkii ugu dambeeyay ee murankiisa uu banaanka yimaado, laakiin dhulkani ma ahan midkii koowaad ee dooddiisa iyo hadal-hayntiisu ay banaanka timaado tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu soo laabtay xafiiska 15-kii May 2022.
Waxaa intii lagu jiray muddo xileedka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh lagu kala baxay dhulkii Bangaariyadda, midkii Bangala, midkii Howlaha Guud iyo qeyb kamid ah dhul cusub oo laga bixiyay waddada Jayga ee kaabiga ku haysa garoonka Aadan Cadde.
Dhamaan dhulalkaas waxaa qaatay madax dowladeed, waxaa la cunay xildhibaanno, waxaa laga iibiyay ganacsato, kuwaasi oo iyaguna qaar kasii iibsaday dad shacab ah.
Sidoo kale qeyb kamid ah dhulkii Oodweyne ayaa dad loo sharciyeeyay oo ay xildhibaanno, ganacsato iyo madaxda dowladda lacag ka sameeyeen. Dhulalkan iibkooda dhamaan looma marin dariiq sharci ah. Si mugdi ah ayaa lacagtooda loo qeybsaday, korna looma sheegin iibkooda, lacagta laga bixiyayna laguma shubin Bangiga Dhexe ee dowladda.
Hanti-dhowrka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe waa ka gaabsadeen inay iibkaasi beeniyaan ama ansixiyaan, maadaama ay madaxda sare ku lug leeyihiin iibkan suuqa madow ah.
Soomaaliya waxay weli ku magacaaban tahay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka. In kiiska dhulka dab-damiska gacan ka hadal ku dhawaado waxaa ugu wacan aaminaad darro shacabka ka qaadeen madaxda dowladda, kuwaas oo horey dhulal ay dad shacab ah uga saareen muddo kadib kaga iibsaday dad ganacsato ah.
Sidoo kale guuxa ku saabsan in dhulkaan qeyb yar laga siin rabo waaxda dab-demiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed inta kalena la cuni rabo ayaa xoogeystay.
Boobka dhulalka danta guud ayaa si weyn u sumcad tiray madaxda Soomaalida qaar. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xafiiska ka beddelay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo aad iskaga ilaaliyay iibinta dhulalka dowladda maantana ka maran fadeexadda dhulalka ee haysata madaxda Soomaalida qaar.
Weli caymo ayaa jirta oo dhulalkana lagu caymin karo, sumcada madaxduna ku badbaadi karto, waana in haddii dowladda ay sax ah ugu baahan tahay inay iibiso dhulalkeeda sifo sharci ah loo maro, oo ay madaxda joojiso habkan suuqa madow ah ee lagu kala iibsanayo hantida qaranka.
Dadka sharci darrada wax loogu iibinayana waa inay ogaadan in qaranka uu dib u burin karo wax walba oo hantidiisa oo aan dariiq sharci ah lagu iibin.
Waa in la helaa guddiga iibka qaranka, waa in la naadiya dhulalka ay dowladda ka maarantay, waa inuu dhacaa tartan furan, waa in lacagta lagu shuba Bangiga Dhexe ee dowladda, waana in kadib hantidaasi laga saara hantida guud ee dowladda, sidaas ayaana u sharaf badan dowladda, madaxda sare iyo dadka wax iibsanaya intaba, balse haddii aan intaas la helin waa uu sii socon doona isqab-qabsiga dhulalka iyo sumcad darrada kasoo gaareysa dowladda iyo ragga xukunka haysta intaba.
Qolada sida qaldan wax looga iibinayana waxay ku jiri doonaan walbahaar iyo in maalin uun uu imaan doono hoggaan ka noqda iibkan sharci darrada.