Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaadday in ay dalkeeda u furtay Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u aada dalkaas, kuwaas oo u sahashay in warqadda dalka ku galka ee loo yaqaan Fiisaha ay ka dalban karaan safaaradda Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda dowladda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay, “Hadda waxaa suurtogal ah in si toos ah safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho looga codsado fiisaha gelitaanka koorsooyinka tacliinta sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.”
Warkaan ka soo baxay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hadda loo yaqaan X, waxaana lagu xusay in fursaddaan oo kaliya ay u furan tahay ardayda fursadaha waxbarasho ka helay Jaamacadaha dalka Talyaaniga.