Dowladda Soomaaliya ayaa weli ku dadaaleysa dhismaha Maamulka SSC Khaatumo, iyada oo wafdi sare oo ka socda ay weli ku sugan yihiin magaalada Laascaanood.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlay howlaha dhismaha maamulka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la dhammeystiro SSC Khaatumo.
Sidoo kale, isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay ergada dhismaha maamulka looga baahan yahay in ay Dardar galiyaan howlaha xulida baarlamaanka.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dhawaan wafdi sare oo ka qeyb gali doono dhammeystirka maamulka iyo dhismahiisa ay tagi doonaan magaalada Laascaanood, kana qeyb qaadan doono howlaha caleema saarka madaxda.
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku shirsan ergada dhismaha maamulka SSC Khaatumo, kuwaasi oo ka kala socda beelaha daga Sool, Sanaag iyo Ceyn. Ergada ayaa ka shaqeynaysa soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli la qorsheeyay in 5 agoosto in la doorto Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka SSC Khaatumo Radiohalgan.com