Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday meel u dhow Nosy Iranja ee dalka Madagascar; isaga oo sheegay in laba doon ay ku qalibmeen badda, kuwaas oo ay saarnaayeen Soomaali badan.
Wasiirka ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka geeriyooday, isaga oo caafimaadna u rajeeyay dhammaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa waxyeellada ka soo gaartay shilkan.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u iftiimiyay qatarta tahriibka, isagoo ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan halista galaangalka badda iyo dhibaatooyinka ku xeeran tahriibka si ay uga badbaadiyaan naftooda qatarta iyo dhibaatooyinka la xiriira safarrada sharci-darrada ah.
“Dowladda Madagascar waxay nagu soo wargelisay in doomahaas qallibmay tan ay 38 qofood ay saarnaayeen 15, kamid ah ay dhimatay, tan ay 32, qof saarnaayeen in ay 9 kamid ah ay dhintee, safiirka noo jooga addis abba iyo xubno kale ayaaan fileynaa in ay berri halkaas tagaan si ay usoo ogaadaan xaaladda halkaas ka jirta”. Ayuu yiri, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladdu si dhow ula shaqeynayso hay’adaha ku habboon ee caalamiga ah, si loo hubiyo badbaadinta iyo soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee badbaaday.