Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Khawaarih ah oo isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.”
“Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay hawlgalladan ayay Khawaarijtu geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay,” sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Al-Shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.