Sannado badan uu xirnaa ka dib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.”
Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku yaala degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxa uuna ka mid ahaa Isbitaalo fara ku tiris ah oo ay hirgaliyeen dalalka Soomaaliya Saaxiibada la ah.
Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa xirtay dowladdii hore ee Soomaaliya taas uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ka dib markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Dib u doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa keentay in dib loo soo celsho xiriirkii xumaaday ee u dhaxeeyey Muqdisho iyo Abu Dhabi, taas oo keentay in uu dib u hawgalo Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho.