Dowladda hoose ee Beledweyne oo Hoyga Mayarka aan weli xilka wareejin Nadar Tabaax Maalin kulan kula qaadatay Howl-wadeeno ka socday mashruuca PIU Wold Bank, UNPOS iyo Shirkada Geotech ee sameeyneyso qiimeynta wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha laga hirgilinaayo magaalada Beledweyne.
Barnaamijka oo biloow illa dhammaad aay soo dharan dharisay Mayar Nadar Maalin ayaa muddo dhowr sano ah soo socday, waxaana Mayarka weli xilka wareejin Nadar Tabaax Maalin shirar mashaariicdan looga hadlaayay uga qeyb gashay
Nairobi iyo sidoo kale Muqdisho waana mid ka mid ah wax qabadka lagu xasuusan doono Mayar Nadar Tabaax Maalin.
Howl-wadeenada iyo Engineerada ayaa Mudane
Ahmed Afyare Dukow oo ahaa masuulka dowladda hoose shirkaasi ku matalayay oo shirka shir guddoomiyay uso bandhigeen qorshaha dhismooyinka wadooyinka magaalada oo qaab casri loo dhisaayo iyo buundooyin lagu soo kordhinaayo magaalada maadama baxaada magaalada ay aad u korortay.
Madaxda ka kala socday PIU Wold Bank, UNPOS iyo Shirkada Geotech ayaa amaanay Mayar Nadar Tabaax Maalin oo aay ku sifeeyeen qof Daacad ah isla markaana jecel horumarka bulshada Beledweyne,wax badanne aay ka caawisay inta barnaamijka uu heerarka kala duwan soo maray illa maanta oo Hoygeeda lagu qabtay shirkan.
Mr Axmed Afyare Duqoow ayaa dhankiisa u mahadceliyay Mayar Nadar Tabaax Maalin waxuuna madaxda ka socotay PIU Wold Bank, UNPOS iyo Shirkada Geotech u sheegay dowladda hoose ee Beledweyne ku gacansiineyso biloowga iyo dhamestirka mashaariicdan.