Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Xiisadda labada dal ayaa salka ku haysay heshiiskii badda, kaas oo ujeedkiisu ahaa marin badeed iyo saldhig ciidan oo Itoobiya ka hesho Somaliland.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad oo arrintaan xaqiijiyay ayaa sheegay in dadaalladii dhex-dhexaadinta ee Turkigu sameeyay ay horseedeen in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ku heshiiyeen iskaashi dhow, maadaama ay yihiin dalal daris ah oo xubno ka ah Midowga Afrika.
Heshiiska cusub ee labada dhinac ayaa dhigaya in Itoobiya si sharci ah uga faa’iidaysan karto dekedaha Soomaaliya ujeeddo ganacsi awgeed, iyadoo la raacayo qawaaniinta caalamiga ah ee ku saabsan badeecad-dhaafka iyo isticmaalka badda.
Si kastaba, hadalka Wasiir Balcad oo gebi ahaanba meesha ka saaraya khilaaf siyaasadeed oo haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa haddana waxaa muuqaata ifafaalo ay mar kale ku kala tagi karaan labada dhinac, maadaama ay Addis Ababa weli si dhab ah uga tanaasulin damaceeda badda.