Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa sheegtay in ay dib u billaabeyso howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee gudaha gobolka Hiiraan.
Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaran, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka deegaanka ee gaar ahaan Macawiisleyda ay isku diyaariyaan howlgallo wadajira ah.
Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka waa in halgan loo diyaargarooba, waxaan dooneyna in deegaannada jiida wabiga aan ka billaawno, geed kasta iyo goob kastana waan u socona” ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sugida Amniga iyo diyaar garowga howlgallada ka dhanka AS.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Dowladda Federaalka lagu wareejiyay sugida Amniga gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledwayne.