Dowladaha Turkiga iyo UK ayaa bari oo la filayaa inay saxiixaan heshiis horudhac ah oo ku saabsan 40 diyaaradood oo Eurofighter Typhoon ah, oo loogu talagalay in lagu hubeeyo ciidanka Cirka Turkey.
Heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa carwada hubka IDEF ee Istanbul, xilliga uu booqanayo Wasiirka Gaashaandhigga UK, John Healey.
Turkiga ayaa horay u waayay diyaaradahaan ka dib diidistii Jarmalka ee heshiiska, balse weli waxaa socda wadaxaajoodyo ku saabsan heshiis milatari oo qiimihiisu yahay ($12bn), ee helidda teknoolojiyadda diyaaradaha iyo tababarka duuliyayaasha.
Turkigu wuxuu doonayaa diyaarado cusub (Tranche 4) iyo kuwo la isticmaalay oo uu ka heli karo dalal Gacanka ah sida Qatar.
Xaaladda gobolka iyo dagaalka u dhexeeya Israel iyo Iran ayaa Turkiga ku qasbaya inuu dedejiyo hub-urursiga, xilli uu weli sugayo diyaaradii F-35 ee uu ka sugayo Mareykanka.
Diyaaradda Eurofighter Typhoon waxaa si wadajir ah u soo saaray afar dal oo Yurub ah: UK, Germany, Italy, iyo Spain, waxaana horay diyaarada ugu diiday Turkey dowlada Jarmalka oo Israel taageerta.