Ciidamada Booliska ayaa goordhow xiray dhowr iyo toban xubnood oo ay ku jiraan Nabadoono ku heyb ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Nabadoonada iyo xubnaha la xiray ayaa shir ku lahaa Hotelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, waxaana ciidamada Amniga ugu galeen xubnahaas Hotelka, kana xirxiray.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow ka sheegay Hotelka Jazeera in Nabadoonada jufadiisa la xiray, isagana uu ka badbaaday isku day dil.
Arrintan ayaa waxay sii hurineysaa xiisada ka taagan Muqdisho iyo bannaan baxyada mucaaradka qorsheynayaan oo ay dowladdu si weyn u diidan tahay.