Dowlada Hirshabelle oo deeq gargaar ah gaarsiiyey ilaa kun Qoys oo ka soo barakacay Tuulada Iji Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Wasiirka Maaliyada D/G/Hirshabelle Cabdiraxiin Ciise Cadow Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Maxamuud Maxamed Nuur iyo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Sh/dhexe Muuse Shitaawe ayaa Deeq raashiin ah u qeybiyay Qoysaskii ka soo barakacay dagaal Beeleedyo ka dhacay Tuulada Iji ee Gobolka Shabellaha Dhexe isla markaana ku sugan Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Deeqdaan raashiinka ah ayaa waxaa ka faaideystay kun Qoys oo kamid ah danyartii kaso barakacay Tuulada IJi