Taliyaha magacaaban ee Booliiska Kenya Douglas Kanja ayaa Baarlamaanka Dalkaas ka codsaday in ay ansixiyaan si uu mas’uuliyadda ula wareego isla markaana adkeeyo nabadgalyada goobaha ay qaranka.
Douglas oo gacanta ku heysta warqadda magacaabista ee Madaxweynaha Kenya William Ruto balse waxa uu sugayaa in uu aqbalaad ka helo Baarlamaanka Dalkaas oo dahnkiisa dareemaya culeys ka dhashay dadkii dibadbaxa ku galay bishii 6aad.
Kanja ayaa qiray in laga fursan karay dayaca mas’uuliyad darro ee Amniga Dalkaas gaar ahaan dhismaha Xarunta Xeer-dejinta, cabsidii ka dhalatay dibadbaxyaashii gudaha u galay xaruntooda ayaa dhalisay in ay ka fiirsadaan cidda lagu aaminayo amniga waddanka.
Madaxweyne William Ruto oo isbaddel sameeyay ayaa xilka ka qaaday mas’uuliyiin kala derajo iyo xafiisyo duwan si uu u damiyo isusoobaxyadii ka dhashay Canshuur kordhinta Xukuumaddiisa ay ku sameysay Dalkaas.