Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqada laga ceyriyay bishii Maarso ee sanadkii 2022-kii Abdullaahi Abdirahaman Aadan (Ganey) oo hadda sheegta in uu yahay Madaxweynaha Hiiraan State oo Dalka laga aqoonsanen.
Ninkan ayaa dhawaan howlgal ciidanka sirdoonka milatariga Soomaaliya ka fuliyeen gurigiisa oo kuyaalla Baladweyn waxa ay kasoo heleen ID- card uu ku qoran yahay in ninkan yahay lataliye katirsan Wasaaradda Amniga Soomaaliya.
Abdullahi Ganey, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay in uu taagerayo ciidamada Itoobiya uuna wado abaabul maleeshiyaad uu hubeenayo kuwas oo loo adeegsanayo hirgalinta danaha Itoobiya.