Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Doorka Dhallinyarada ee Amniga Soomaaliya

    Doorka Dhallinyarada ee Amniga Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 27, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Gaalkacyo” oo tiro saddex jeer ka badan lagu qabtay Gaalkacyo.

    Dhallinyaradaas is xilqaamay ee buuxiyay kaalintaas iyo kuwa la midka ah ee nabadda ka dhaliyay deegaannada kale ee Soomaalida waxay tusaale u yihiin bulsada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa kale oo xusid mudan ururkii dhallinyarada ee Xamar Weyne oo iyaguna si firfircoon uga qeybqaatay dadaallo lagu xasilinayay xaafadaha Muqdisho xilliyadii ay Xamar kala xirneed, iyagoo sameeyay barnaamijyo abuuray is-dhexgal bulsho iyo nabadeyn lagu soo gaaray heerka aan maanta joogno.

    Xasilloonida Siyaasadeed Iyo Ka Qeybqaadashada Dhallinyarada

    Waxaa laga maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan fursado ay kaga qeybqaataan siyaasadda dalka, si ay u noqdaan cod firfircoon oo saameyn ku leh go’aannada masiiriga ah. Dhallinyarada waxay yeelan karaan ururro siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, waxayna sidoo kale ku biiri karaan ururrada jira ee siyaasadda si ay u xaqiijiyaan in codkooda la maqlo.

    Xoogga dhallinyarada oo la mideeyo ayaa looga guuleysan karaa fekerka xagjirnimada oo waqtigaan ah kan ugu daran ee dalkeenna qarribay, si loo helo barnaamijyo wacyigelin iyo waxbarasho ka saafi ah aragtiyo xagjirnimo waxaana ay taasi ku imaan kartaa in la helo manhaj aan dalal kale laga soo guurin oo si qumman uga hadlaya nolosha iyo wacyiga bulshada.

    Waxaa la ogaaday in xagjirnimada ay si gaar ah u saameyso dhallinyarada, iyadoo kooxaha nabad-diidka ah ee aragtiada ku dagaallama ay si fudud u bartilmaameedsadaan dhallinyarada, iyaga oo uga faa’iideysta duruufo dhaqaale ama ka iibiya aragti qofka ku hoggaaminaysa mustaqbal mugdi ah.

    Si looga hortago arrintan, waxaa muhiim ah in la sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah oo dhallinyarada lagu barayo khataraha xagjirnimada, faa’iidooyinka nabadda iyo wadajirka bulshada. Tusaale ahaan, barnaamijka “Youth Against Violence” ee ay hirgeliyeen hay’ado maxalli ah ayaa ku guuleystay inay hoos u dhigaan heerka xagjirnimada ee dhallinyaro badan, iyagoo adeegsaday tababaro iyo wacyigelin joogto ah.

    Dhallinyaradu waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ka qaadan karaan la dagaalanka burcadda iyo kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku haya deegaanadooda. Tusaale ahaan, dhallinyarada Boosaaso ayaa sameystay kooxo iskaa wax u qabso ah oo ka hortaga burcadda xeebaha, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka.

    Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka jirtay nabad la mahadiyay, isla markaana ay yaraadeen dilalkii qorsheysnaa ee kooxaha bustooladaha ku hubeysan ay geysan jireen waxay khuburada amnigu qabaan in ay keentay dhallinyaro badan oo laga qoray hey’adaha amniga, gaar ahaan NISA, waliba inta badan dhallinyarada laga qoray xaafadaha ay degganaayeen, maaddaama ay fahmi karaan cidda ku cusub deegaanka iyo midka dool ku ah.

    Waxa jira maqaallo hore looga qoray doorka dhallinyarada ee sugidda amniga dalka oo aad ka heli karto fikrado iyo tusaalooyin waxtar leh, anna igu dhiirrigeliyay in aan wax ka qoro fursadaha horyaalla dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah qoraalladaas: “Youth as Agents of Peace: Somalia” – oo uu soo saaray Bangiga Adduunka, wuxuuna diiradda ku saarayaa sida dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah uga ciyaari karaan nabadeynta iyo amniga dalka. Sidoo kale, “Shaping Peace Together: Somali Youth as Change-Makers” – ayaa ka mid ah oo lagu xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka kooban yihiin 70% bulshada, taas oo ka dhigeysa laf-dhabarta bulshada.

    Talooyin Guud:

    Amniga waxaa qeyb weyn ka qaata xog hufan oo la siiyo ciidamada ammaanka. Waxaa la dhahaa xogtu waa awood (Information is power) oo lagala jeedo xog in la helo ayaa ah awoodda amni. Soomaalidu waxay dhahaan “War helaa, talo hela”. Wax kasta xogta ayaa u ah dhabbaha koowaad ee la qaado, dhallinyarada ayaana doorkaas ka qaadan kara qeyb lixaad leh. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dhallinyarada iyo hay’adaha kala duwan ee amniga, si ay u wada shaqeeyaan. Tusaale ahaan, in la sameeyo guddi isugu jira dhallinyarada iyo saraakiisha amniga oo si wadajir ah uga shaqeeya sugidda amniga magaalo kasta

    Talo soo jeedintaan kaliya diiradda ma saarayso in dhallinyaradu ay xog oo kaliya ku kaabaan ciidanka, ee xitaa waxaan soo jeedinayaa in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka oo ay hiil iyo hoo ku taageeraan, sababtoo ah meel aan dhallinyaro ku jirin lagama filanayo natiijo wax ku ool ah oo lagu faani karo. Sidoo kale dhallinyarada kaxaysa bajaajta waa in ay helaan fursado ay ku gudbin karaan dhacdooyinka amniga quseeya oo ay la kulmaan, maaddama ay markasta ka dhex shaqeeyaan bulshada, waxaa kale oo muhiim ah in la kordhiyo tirada gabdhaha sirdoonka ka shaqeeya.

    Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara sirdoonka iyo amniga dalka. Iyadoo la og yahay in gabdhaha ay awood gaar ah u leeyihiin inay si fudud ugu dhex milmaan bulshada, waxay ka shaqeyn karaan meelaha ay haweenku u badan yihiin sida isbitaalada, maqaayadaha, iyo xarumaha bulshada, taas oo suurta gelinaysa inay helaan xogo muhiim ah oo la xiriira amniga.

     

     

    Ugu dambeyn, waxaa laga maarmaan ah, xalna u noqonaysa amnidarro ka timaada dhallinyarada, in la hergeliyo barnaamijyo fursado shaqo u abuura dhallinyarada. Si looga hortago in dhallinyarada ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama xagjirka ah, waa in la abuuro fursado shaqo iyo horumarineed oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyaradu.

    _____________________________________________________________________

    W/Q: Jacfar Maxamed Cali

    Contact: [email protected]

    Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida  Radio Halgan 📻

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.