Dadka reer Koonfur Afrika ayaa bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashadii ugu adkayd tan iyo markii uu dhammaaday hannaankii midab kala sooca ee wadankaasi 1994.
In kabadan 27 milyan oo qof ayaa isu diiwangaliyay in ay codkooda ka dhiibtaan doorasho soo calaamadeysay kala qaybsanaan siyaasadeed kaddib 30 sano oo dimoqaraadiyad ah.
Rikoor cusub oo ah 70 xisbi iyo 11 murashax oo madaxbannaan ayaa ku tartamaya dooarashada, waxana dadka reer Koonfur Afrika ay dooranayaan barlamaan cusub iyo wakiillada sagaal gobol.
‘’Tiro badnaanshaha xisbiyada ayaa muujinaya niyad jab, iyadoo dadka dhinaca xun wax ka eega ay sheegayaan in dadku raadinayaan fursad ay barlamaanka uga mid noqonayaan si ay u helaan faa’iido,’’ sidaasi waxa BBC-da u sheegay Richard Calland oo ka faalooda siyaasadda.
Xukunka waxa joogay tan iyo markii uu dhammaaday nidaamkii midab kala sooca ee caddaanka yari xukunka hayeen xisbiga African National Congress (ANC), isagoo hadda raadinaya in uu markii todobaad talada dalka qabto.
In kastoo uu kalsooni ku qabo xisbiga ANC ‘’guul xasaasi ah’’ haddana ra’yi ururinta doorashada ayaa si ku celcelis ah waxay u sheegaysaa in xisbigu lumin doono aqlabiyaddii uu barlamaanka ku lahaa markii ugu horreysay, taas oo ku qasbi doonta in uu la galo isbahaysi mid ama labo xisbiyada mucaaradka.
‘’Waxan galaynaa wajiga labaad ee dimoqaraadiyadeena, waxayna ku socotaa in ay noqoto kala guur weyn,’’ ayuu BBC-da u sheegay Prof Calland.
‘’Waxaan noqon doonaa midkood inaan tartan adag galno iyo qaangaar dimoqaraadiyadeed ama in siyaasaddeenu noqoto mid liicday,’’ ayuu intaa ku daray.
Si toos ah looma dooranayo madaxweynaha – Barlamaanka cusub ayaa xulan doona madaxweynaha, kaasoo caadiyan ah hoggaamiyaha xisbiga aqlabiyada leh.
Ol’olaha doorashada waxa hareeyay musuqa ku dhex baahay dawladda, heerka shaqo la’aanta ee meesha sare gaaray, gaar ahaan da’yarta, adeegyada dadweynaha ee liita iyo dambiyada sii baahaya.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Isbahaysiga Dimoqaraadiga (DA) ayaa heshiis la galay 10 xisbi oo kale, si ay u soo dhisaan dawlad isbahaysi ah haddii ay helaan codad ku filan oo ay awoodda uga qaadi karaan xisbiga ANC.
Laakiin tani waxay u muuqataa mid aan maangal ahayn, waxana la filayaa in ANC uu baaqi ku sii ahaado xisbiga ugu weyn, kaas oo siinaysa booska ah in uu hoggaamiyo isbahaysi.
Doorashadii ugu dambeysay ANC waxay heshay 57.5% codad kii la dhiibtay marka la barbardhigo DA oo helay 21%.
Arinta la yaabka leh, waxay dhacday bishii Diiseembar markaasoo Madaxweynihii hore Jacob Zuma uu ku dhawaaqay in uu isaga baxay xisbiga ANC, isla markaana uu sameeyay xisbi cusub oo la yiraahdo uMkhonto weSizwe (MK).
In kastoo isaga laga reebay in uu u tartamo kursi barlamaan kaddib markii uu ku jeesjeesay Maxkamadda, haddana wali magiciisu waxa uu ka muuqdaa warqadaha codbixinta isagoo ah hoggaamiyaha MK..
Ra’yi ururinta doorashada ayaa sheegaysa in xisbiga MK uu heli doono 10% cod bixinta. Si gaara waxa loo filayaa in uu guul weyn ka soo hooyo gobolka uu ka soo jeedo ee Kwazuku – Natal, halkaasoo xaaladdu ay kacsan tahay, lagana soo weriyay rabshado inti ay socdeen ol’olayaasha doorashada.
‘’Doorashada gobolka KwaZulu – Natal ayaa noqon doonta mida adag – waxana loo filayaa in lagu murmo natiijada,’’ ayuu yiri Prof Calland.
Haweenka ayaa 55% isu diiwangaliyay cod bixinta – taasoo qiyaastii ah 15 milyan marka la eego tirkoobyada ay sii daayeen guddiga doorashooyinka.
Marka la eego da’ahaan dadka is diiwan galiyay, da’da ugu badan waa dadka da’doodu u dhaxeyso 30 illaa 39 sano. Waxayna todobo milyan ka yihiin 26.7 milyan oo cod bixiyayaal ah.
Laakiin prof Calland ayaa sheegaya in ku dhawaad 13.7 milyan oo buuxiyay shuruudaha codeynta aanay is diiwangalin, kuwaas oo sideed milyan oo kamid ah ay da’doodu ka hooseyso 30 sano.
‘’Dib ayay uga laabteen dimoqaraadiyadeena da’da yar, waxay dareemayaan in dhaqaale ahaan dibadda la dhigay, mana arkaan mucaarad nuxur leh,’’ ayuu yiri
Muuqalkan waa Keabetswe Maleka oo ah 29 jir ku nool magaalada Soweto, oo ubuc u ahayd kacdoonadii ardeyda ee ka dhanka ahaa xukunkii midab kala sooca 1976.
Waraysi weriyaha BBC Afrika Mpho Lakaje uu la yeeshay Keabetswe ayuu ku sheegay in aanu codeyn doonin sababo la xiriira adeegyada dadweynaha ee xun, isla markaana uu yahay shaqo la’aan.
‘’Shaqo ayaan raadinayaa. Wax dhacaya ma jiraan,’’ ayuu yiri.
Qof kaloo kamid ah dadka degan Soweto, Mawela Rezant oo 66 jir ah oo codeynaya ayaa sheegaya in uu rajo ka qabo in dawladda soo socota la tacaali doonto shaqo la’aanta iyo dambiyada.
‘’Waxan rajeynayaa inaan arko dhaqaalaheena oo koroya. Waxan rajeynayaa inaan arko booliskeena oo awooddiisa isticmaalaya,’’ ayuu intaasi ku daray.
Booliska iyo milatariga ayaa la dhigay goobaha cod bixinta guud ahaan wadanka, si loo xaqiijiyo in cod bixintu ku dhacdo si nabadgalyo ah, warqadaha codbixintana aan la xadin.