Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Doorashada Turkiga: Erdogan oo ku dagaalamaya in uu mar kale gacanta ku dhigo Istanbul

    Doorashada Turkiga: Erdogan oo ku dagaalamaya in uu mar kale gacanta ku dhigo Istanbul

    By radiohalgan.comMarch 31, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xisbiga madaxwaynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa rajeynaya in uu mar kale hanto gacan ku haynta magaalooyinka, sida caasimadda dalkaas ee Ankara iyo magaalada wayn ee Istanbul.

    Mucaaradka ayaa ku guuleystay shan sano ka hor maamulka magaalooyinkaan, kadib markii xisbiga Horumarka iyo Cadaaladda ee Erdogan uu hugaamiyo ay kula tartameen, iyaga oo gacanta ku hayay muddo rubuc qarni ah.

    Duqa haatan ee magaalada Istanbul kana socda dhanka mucaaradka – Ekrem Imamoglu- ayaa u arka dib u doorashadiisu in ay tahay talaabo uu u qaado dhinaca madaxweynenimada, isaga oo doonaya in uu badalo Erdogan marka ay dhacdo doorashada sanadka 2028 da.

    Laakiin hadii Erdogan uu ku guuleysto magaalooyinka waawayn ayaa falanqeeyayaasha siyaasaddu waxay leeyihiin wuxuu uga faa’iideysan doonaa in uu keeno dastuur cusub oo conservative ah. Codeynta ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli ay jirto xaalad dhaqaale xumo oo ay qayb ka tahay sicir barar baahsan oo ah ku dhawaad todobaatan boqolkiiba.

     

    Doorashada

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Kadib lumintii gacan ku haynta Istanbul sanadkii 2019 kii, madaxweyne Erdogan wuxuu dib uga aargutay mucaaradka sanadkii 2023 da, isaga oo helay dib u doorasho iyo sidoo kale kuraastii ugu badneyda ee barlamaanka oo ay soo galeen xubno xisbigiisa ah iyo xulafo kale oo wadiniyiin ah.

    Natiijada soo baxda maalinka axadda ah ayaa waxay sii adkeyn doontaa awood Erdogan ee maamulka xubinta Nato ee Turkey, ama waxay calaamad u noqon doontaa isbadal ka dhex dhaca wadankaan dhaqaale ahaan soo ifbaxay ee siyaasadiisa lagu kala qaybsan yahay. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in guusha Imamoglu – duqa haatan ee Istanbul – ay sii badin karto rajada laga qabo in uu noqdo hugaamiye qaran mustaqbalka.

    Xarumaha codbixinta ayaa waxaa la furay todobadii subaxnimo bariga waddanka, halka sideedii subaxnimo la furay gobolada kale, halkaas oo ay soo xaadirayaan in ka badan 61 nilyan oo codbixiyayaal is diiwaan galiyaya ah.

    Cod bixinta ayaa dhamaaneysa shanta galabnimo xilliga Turkiga, halka natiijooyinka horudhaca ah la filayo in lagu dhawaaqo tobanka fiidnimo.

    “Tartan xiran”

    Gudaha Istanbul, magaalada dadka ku nooli ay yihiin 16 ka milyan ee ruux ee hugaamineysa dhaqaalaha Turkiga, waxay sheegayaan fikradaha la aruuriyay in Imamoglu uu wajahayo caqabo aad u xoogan oo kaga imaanaya dhinaca musharraxa xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka, Murat Kurum, oo ah wasiir hore oo dawladda ka tirsanaa.

    Natiijada ayaa waxay u badan tahay in ay saameyn ku yeeshaan si gooni ah dhibaatooyinka dhaqaale ee uu sababay sicirbararka saldhigay ee gaaray todobaatan boqolkiiba, Kurdida iyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda siyaasadaha iyo qaabka waxqabadka ee dawladda, kuwaas oo rajeynaya in uu dhaco isbadal.

    Erdogan ayaa awood diisa oo dhan isugu geeyay doorashooyinka, isaga oo ku wareegaya dalka oo dhan si uu ula hadlo dadka oo gaaraya ilaa iyo 85 milyan oo ruux, isaga oo qabanaya isku soo baxyo olole doorasho oo mararka qaar gaaraya ilaa afar banaanbax maalinkiiba.

    Si shaqsi ah isagu waxa uu si fiican ugu hiiliyay musharaxiisa Istanbul, Murat Kurum, oo ah wasiir hore oo aan aad loo aqoon, kaas oo ka soo muuqan jiray goobaha uu fadhiyo Erdogan.

    Rajada Erdogan ayaa aad u sii balaaratay kadib markii uu burburay isbahaysigii mucaaradka jabiyay sanadkii hore, inkasta oo wali ninka lagu magacaabo Imamoglu oo soo jiidanayo codeeyayaasha ka baxsan kuw aka tirsan xisbigiisa, Xisbiga Dadka ee Republican ka.

    Sanadkii 2019 kii ayaa waxaa qayb wayn ka qaatay guushiisa, codeeyayaasha ka socday xisbiga kurdida, balse xilligaan musharrax ay iyagu wataan ayaaba u tartamaya xukunka Istanbul, sidaas oo ay tahay wali waxaa la filayaa in Kurdi badan ay u codeyso Imamoglu mar kale.

    Erdogan

    XIGASHADA SAWIRKA,AP

    ”Isku dhacyo”

    Dhanka kale, hal qof ayaa la dilay 12 kalana waa ay ku dhaawacmeen isku dhacyo ka dilaacay hareeraha goobaha codbixinta eek u yaalla Diyarbakir, oo ku taalla koonfur-bari dalka Turkiga. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

    Masuul hadlay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP: “Maalinkii axadda ayaa isku dhacay laba kooxood intii doorashadu socotay, taas oo sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 12 kale,”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.