Maamuulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo geba gebanaynaya doorashada maamuulkaas iyada oo sacaado ka hor la doortay guddoonkii Baarlaamanka cusub halka haddana la dooranayo madaxweynihii maamuulkaas.
Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la filayaa in uu kursigan mar labaad ku soo laabto isaga oo lahaa abaabulka doorashada hadda socota.
Soo dedejinta doorashada ayaa salka ku haysa in laga hor tago duullaanka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo in uu dagaal ku qaado Baydhabo si uu meesha uga saaro Lafta Gareen.
Xukuumadda Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in uu lacag badan ku bixiyey arrimaha doorashada isla markaana aanu aqbali doonin in uu Lafta Gareen qabsado doorasho isaga u gaar ah.
Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxweynihii saddeexaad ee ka adkaada Xasan Sheekh ka dib Deni iyo Axmed Madoobe.

