Dalka Senegal ee dhaca Galbeedka Qaarad waynta Afrika waxaa Axadda oo ku beegan 24ka Maarso 2024 ka dhacaysa Doorasho indhaha lagu wada hayo sida ay u dhacdo, guullaha ay kala gaaraan dhinacyada loolamaya iyo waxyaabaha kasoo kordhi kara.
Waa doorashadii 4aad ee dimuqraadi ah kana dhacaysa Dalkaas haddii aanay wax iska baddelin habka la qorsheeyay in ay ku dhacdo Doorashadaas, waxaana ay sal adag u noqon kartaa xasiloonida iyo dimuqraadiyadda Galbeedka Afrika.
Madaxweyne Macky Sall ayaa damacsanaa in dib loogu dhigo Doorashada lana gaarsiiyo ilaa dhammaadka sanadkaan 2024 balse dibadbaxyo iyo rabshado xooggan ayaa hareeray dalkaas oo ku qasbay in wax laga baddelo go’aankiisa.
Shacabka Senegal ayaa damacsan in ay Doorashadu mar uun dhacdo maadaama ay wajahayaan xaalado haddii la raad-raaco aanay la mahadi Karin, sidaas awgeed waxa ay soo jeediyeen in doorasho xal ah laga qabto Dalkaas.
Waxa ay Dad badan ay ku doodayaan in faragelin dibadda ah ay ka jirto Senegal sida in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Macky Sall oo lagu cadaadinayo in uu qabto doorasho wanaagsan iyo hannaan lagu badbaadin karo dalkaas.
La soco wixii kasoo kordha