Dadka madaw iyo dadyoowga kale ee laga tirada badan yahay ayaa la filayaa inay noqdaan 30% dadka dalkan Britian ku nool marka lagaadho sanadka 2050
Mac’hadka arrimaha siyaasada ee dalkan (PE) ayaa sheegay ” inay dadka laga tirada badan yahay noqon doonaan qayb muhiima oo kamidda doorashooyinka musqabalka ee dalkani”
Waxaa kaloo ay intaa raaciyeen inay siyaasiyiintu iska daayaan inay isku hal koox uu arkaan oo isku mida dadka asalkoodu ajaaniibta yahay,waayo waxay yidhaadeen ‘ farqiga u dhexeeyaa waa mid aad u weyn’
Machadkan ayaa ku sheegay cilmi baadhis ay u bixiyeen sawirka guud ee Britian in muhaajiriinta ka timid Kareebiyanka, Aasiya, Afrika tan iyo dagaalkii labaad kadib inay yahiin bulshooyin aad ukala duwan oo dhaqamo kala duwan wata.
Laakiin waxay sheegeen ‘inay siyaasiyiintu ku fashilmeen inay mid walba sidooda gaarka ah ula macaamilaan oo u fahmaan baahiyahooda.
Taageerista Xisbiga Shaqaalaha
Warbixintan ayaa lagu sheegay in bulshooyinka asalkoodu ajaanibka yahay inay noqon doonaan qaar doorasahooyinka ku yeeshay saameeyn balaadhan , gaar ahaana kuwa mustaqbalka, iyadoo ay cadahay dadkaasi inaanay isku ujeedo wada ahayn oo aanay hal meel u wada socon. markaad eegto dhanka waxbarashada dhanka shaqaalaysiinta, guriyeenta, iyo kalsoonida booliska lagu qabo ,ayaa waxaa muhiima inay fahmaan siyaasiyiintu waxa bulshooyinka kala duwan muhiimka u ah dadaka kasoo soo jeeda shantan bulsho ayaa lagu sameeyey cilmi baadhista:
- Hindi
- Pakistaani
- Bangladeshi
- Afrikaan
- Kariibiyaan
Machadka sameeyey cilmi baadhistan ayaa haddaba wuxuu yahay mac’had u jandheedha (midigta dhexe) oo sheegaya in 14% oo ka tirsan dadaka UK inay yahiin dadak laga tirada badan yahay oo ah qoomiyadao kala duwan
Lakiin immika bulshooyinkaasi ayaa ah koritaanka dadka Britian 80% iyadoo laban laabatay tobankii sanno u danbeeyey
Dadka asalkoodu ajaanibka kasoo jeedo ayaa intooda badan ay tageeraan xisbiga shaqaalaha ama Labour Party” iyagoon eegayn dakhiligooda ama waxyaabaha kale ee ay aaminsan yahiin sida uu sheegay mac’hadka fikradaha siyaasaddu ,iyadoo doorashadii 2010 ay 68% u codeeyeen xisbiga shaqaalaha halka 16% ay u codeyeen xisbiga muxaafidiinta , 14% ay u codeeyeyeen Liberal Democrats.
Soomaalida iyo doorashooyinka UK
Haddaba sannadkan doorashooyinkan dahacaya 04 July ayaa ku soo beegmaya iyadoo oo ay sii korodhay tirada Soomaalida Britain degneeyd , waxaana haatana lagu qiyaasaa ilaa dhawr boqol oo kun oo qof, kuwaasoo inta badan haysta dhalashada dalkan Britain. Soomaalidan waxay xaq u leh in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka guud.
Waxaynu arkaynay in Soomaalidu ay mudooyinkii ugu danbeeyey iska sharaxaysay baddiba xisbiyada siyaasadda ee ka jira dalkan Britain ,Musharaxiin badan oo Soomaali ah ayaa guulo kasoo hooyey doorashooyinkaasi deegaanka
Haddaba bal doorasahadan guud ee ka dhacaysa dhawaan Britian ayaa waxaa lays weydiinayaa maxaa ay soomaalidu siinayaan mudnanaanta maraca ay noqoqoto cida ay dooranayaan Khaliil Aadan Cabdi oo ah madaxa Horn Youth oo ah urur caawiya dhalinyarrada Soomaalida ee magaalada Bristol ayaa BBC u sheegay, “Doorashadan dhalinyaro badan ayaanu filaynaa inay codeeyaan oo aan hore u codeeyn , waxaanad moodaa inay soomaalidu afara iyo tobankii sanoo e xisbigan Konserfatif talkada hayeen inay siyaasada aad ula qabsadeen, markii horena sida dadka madaw badankooda Labour ama xisbiga shaqaalaha ayuunbay u codeeyn jireen lakiin immika way soo fahmayaan oo su’aalo ayeey is weydiinayaan ku saabasan siyaasadaha iyo waqabadka” ayuu yiri.
Khaliil Aadan Cabdi ayaa waxaa kaloo uu la wadaagay bulshada Soomaalida ee dalkan Uk ka codeeynaya macluumaad ku saabsan nidaamka doorashadda waxaanu sheegay ‘Doorashadan waxay kuwii hore kaga duwan tahay waxaa loo baahan yahay aqoonsi sharci ah oo sawirkaagu ku yaallo markaad codeeynayso ,markaa waamuhiim inuun qofku sii qaato , waa markii u horeeysay shuruudaasi lagu xidho’