Hay’adda Socdaalka IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in doon ay la socdeen tahriibayaal isugu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku degtay xeebaha dalka Yemen.
Doonta degtay ayaa waxaa la socday illaa 260 tahriibayaal ah, waxaana dhintay 49 qof, halka 140 kalena lagu la’yahay xeebaha Yemen oo ah halka uu shilka ka dhacay.
115 kamid ah tahriibayaashan waxa ay ahaayeen Soomaali, halka 145 kalena ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeday dhinaca waddanka Yemen.
Sidoo kale waxaa lasoo badbaadiyay ugu yaraan 71 qof oo kamid ah tahriibayaasha, kadib gurmad loo fiyay, sida ay sheegtay hay’addaha socdaalka ee Qaramada Midoobay.
Dadka la badbaadiyay waxaa ku jiray lix carruur ah, halka kuwa kale iyo hooyooyinkooda ay ku dhinteen badda gudaheeda, marka ay degtay doonida.
Xaalad tahriibayaasha ayaa ah mid aad u adag, waxaana haatan la tacaalaya shaqaalaha gurmadka deg-dega ah ee soo bad-baadiyay, halka baadi goobayo kuwa kale ee maqan.
Xeebaha Yemen ayaa kamid ah marinada ay halista badan ku wajahayaan tahriibayaasha sanad kasta kasii tallaaba badda cas, kuwaas ka baxsanaa colaadda iyo dhaqaale xumada.
Si kastaba, IOM waxay horay u sheegtay in ay diiwaangalisay ilaaa 1,350 dhimasho ah oo ku dhintay marinka socdaalka badda tan iyo 2014, oo aan ku jirin sanadkan 2024-ka.