Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa guul weyn ka gaaray doorashada xisbigiisa Jamhuuriga oo ka dhacday gobolka New Hampshire, waxa uuna ka guuleestay haweeneydii la tartameysay Nikki Haley.
Donald Trump ayaa hadda u tartamaya sidii uu u noqon lahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga ku matelaya doorashada guud ee dalka Mareykanka oo loo ballansan yahay in ay dhacdo bisha November ee sannadkan.
Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Trump ayaa horey guulo uga soo gaaray gobolo kale uu tartan kasoo galay, waxaana la saadaalinayaa in uu noqon doono musharaxa xisbiga Jamhuuriga ku matali doono doorashada soo socota.
Guulaha Donald Trump waxaa si weyn uga walaacsan dadka soo galootoga ah ee kunool dalka Mareykanka, kuwaa oo mar kale ka baqaya in Trump haddii uu ku guuleesta xilka madaxweynaha soo rogo xanibaadyo badan uuna celiyo dadka aan sharciyada heesan.