Donald Trump ayaa sheegay in uu aqbalay soo jeedinta taleefishinka Fox News ee Mareykanka laga leeyahay ee ah in uu dood la yeesho madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris 4-ta bisha September.
Dood dhexmartay madaxweynihii hore iyo madaxweynaha hadda Joe Biden ayaa loo qorsheeyay ABC News, 10-kii Sebtembar waxayna Ms. Harris ogolaatay in ay buuxiso booska Mr. Biden.
Laakin Mr Trump ayaa sheegay in dooda ABC ay “hor istaagtay” sababna ay u tahay ka haritaamkii madaxweyne Biden ee tartanka doorashada. Balse Kamala Harris wali kama aysan hadlin soo jeedinta cusub ee Fox News.
Labada musharax ayaa isku wajihi doona doorashada madaxtinimada ee qabsoomeysa 8-November, ka dib markii haweeneyda madaxweyne ku xigeenka ka ah Mareykanka loo doortay in ay noqoto musharaxa Dimuqraadiga Jimcihii.
Source: BBC NEWS