Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

    June 13, 2025

    WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

    June 13, 2025

    DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

    June 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro), ayaa qorsheynaya inuu safar ku tag Addis Ababa

      June 13, 2025

      FAAH-FAAHIN CUSUB:- Dowladda Iiran ayaa shaaca ka qaaday

      June 13, 2025

      Madaxweyne Deni oo booqday dhaawacyadii ciidanka ee la geeyey Itoobiya.

      June 13, 2025

      Iiraan oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka

      June 13, 2025

      DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

      June 13, 2025

      WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

      June 13, 2025

      DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

      June 13, 2025

      DEGDEG Dowladda Mareykanka balaarisay howlgalka ay ku difaaceyso Israa’iil kaddib

      June 13, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

      June 13, 2025

      WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

      June 13, 2025

      DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

      June 13, 2025

      Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro), ayaa qorsheynaya inuu safar ku tag Addis Ababa

      June 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Diyaaradaha ku dhaca deegaanada Al-Shabaab-ka iyo tuhunnada ku xeeran

    Diyaaradaha ku dhaca deegaanada Al-Shabaab-ka iyo tuhunnada ku xeeran

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 16, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    28 October 2015: Duhur uu cirku qam yahay oo cimilo roobeed uu jiro ayaa waxaa hawada deegaanka Cismaan Durre daf soo tiri diyaarad nooca yar yar ah. Cismaan Durre waa deegaan u dhow degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo Xamar u jirta 30KM.

    Diyaaradii waxa ay billowday inay deegaankii ugu wareegaalaysato sida muslimiinta kacbada ugu wareegaan. In ku dhow soddon daqiiqo oo ay meeraysanaysay ayaa ay markii dambe ku dhacday duleedka deegaanka oo ahayd goob geedo iyo hawd badan. Deegaankani waxaa gacanta ku hayay kooxda Alshabaab (AS).

    Markiiba maammulka gobolka, ciidanka dawladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa u jihaystay goobtii ay diyaaradda ku dhacday. Waxaa se da’ayay roobab culculus oo u suuragelinwaayay gurmadkii inay gaaraan halkii ay diyaaraddu ku dhacday. Sarkaal ka tirsan Amisom ayaa sheegay in diyaaraddaasi aysan iyagu lahayn oo aysan ku jirin kuwa u diiwaangashan.

    Dadka deegaanka ayaa se sheegay inay diyaaradda ku qornayd laba xaraf oo waaweyn oo ah; UN. Waxay intaa ku dareen in ay saarnaayeen qiyaastii sagaal illaa kow iyo toban qof oo ajaanib ah iyo noocyo kala duwan oo agabyo ah.

    Diyaaraddu waxaa la sheegay inay ka soo kacday Nayroobi oo ay ku wajahnayd saldhigga Balidoogle oo Muqdisho 90KM u jira. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin diyaaraddii, wixii saarnaa, UN-kii, iyo AS-ba.

    1 February 2018: Galab uu cirka caad ka saafi yahay ayaa diyaarad joog hoose ku socota si maqiiqan u soo gashay hawada deegaanka Warmaxan oo hoostagta degmada Walaweyn ee Shabeellaha Hoose.

    Daqiiqad kadib dhinaca kale ee deegaanka Warmaxan ayay u dhaaftay iyada oo afka saartay xeradii hore ee kumaandooska Soomaaliya ee Kaba-hereg, halkaa oo ay ku dhacday.

    Maammulka deegaanka iyo degmada waxa ay sheegeen inay diyaaraddu siday xammuul, midkaa oo culayskii xammuulka awgii ay u dhacday. Waxay se dadka deegaanka sheegayeen iyo deegaannada kale inay diyaaraddu ka soo kacday dhinaca xerada Balidoogle.

    Deegaanka ay ku dhacday diyaaradda iyo xerada oo ahayd xero burbursan oo dawladdii kacaanku deganayd waxaa haystay AS. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin diyaaraddii, ciddii saarnayd, xammuulkii, UN-kii, iyo AS-ba.

    30 November 2023: Goor ay cadceeddu gaduudatay oo godka u dhawaatay ayaa hugun culus laga maqlay duleedka degmada Marka. Goortii ay dadku fiiriyeena dhinaca ay wax ka dhaceen waa uuro iyo holac hawada isku shareertay, taas oo ahayd Helicopter iskudayaysay inay ka kacdo hawdka ku beegan duleedka magaalada oo qaraxday.

    UN-ka iyo hay’adaha kale ee dalka ka hawlgala ayaa sheegay inaysan jirin wax diyaarad ah oo ay lee yihiin oo shil galay. Isla maalintaas Dawladda ayaana soo saartay warsaxaafadeed nuxurkiisu ahaa; ma jirto diyaarad shil gashay. Waxaa se weydiimo laga keenay waxa Helicopter-taasi ay hawdka ka qabanaysay iyo waxa qaraxeeda sababay.

    Waxaa arrinka xiiso u sii yeelay in deegaankaasi ay AS goorta ay doonaan imaadaan kana tagaan. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin ciddii ku waxyeeloowday diyaaraddii, AS iyo UN-kaba.

    10 January 2024: Goor casar dheer ah ayaa dadkii deegaanka arkeen Helicopter si caadi ah ugu soo dagaysa duleedka deegaanka Xiindheer ee gobolka Galguduud oo ah deegaan ay AS haystaan. Saraalka ka tirsan UN-ka ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay Beledwayne ka baxday oo Wisil u socotay oo ay si khalad ah ugu degtay deegaankaasi.

    Waxa uuna intaa ku daray inay saarnaayeen sideeed qof oo ay toddobo ajnabi yihiin oo ay isugu jiraan ciidan, dhakhaatiir iyo injineero, waxaana uu sheegay inay diyaaraddu saarnayd dawooyin loo waday ciidanka hawlgalka ku jira.

    Waxay dadka deegaanka sheegeen in diyaaraddii, wixii saarnaa iyo dadkiiba ay AS gacanta ku dhigeen. Dhacdadaasi waxaa ka soo wareegatay afar maalin, warbaahinta AS-na wax ku saabsan arrintaasina ma ay sheegin.

    Haddaba arrinka xiisaha leh ayaa ah diyaaradaha drones-ka ee aan duuliyaha lahayn goorta ay AS qabtaan inay markiiba warbaahintooda ku soo daabacaan. Aynu dhawr kamida tusaale u soo qaadanno.

    3 December 2016: Diyaarad aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ayaa ku soo dhacday deegaanka Bariire ee Shabeellaha hoose. Waxaa qabtay AS oo deegaankaasi gacanta ku hayay, waxayna isla maalintiiba soo bandhigeen sawiradeeda iyo xogteeda.

    3 June 2018: AS ayaa gacanta ku dhigtay diyaarad ay ku sheegeen kuwa wax basaasa oo aan duuliyaha lahayn oo ku soo dhacday deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose. Isla galabtii ay qabteen waxay ku soo bandhigeen warbaahintooda.

    19 September 2020: Diyaarad aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ayaa ku soo dhacday xilli subax ah deegaan u dhexeeya Walaweyn iyo Warmaxan, waxaana gacanta ku dhigay AS, isla subixiiba waa ay soo bandhigeen.

    13 September 2020: Duleedka Baarsansuuni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo dhacday diyaarad aan duuliya lahayn, waxaana qabtay AS, isla duhurkii ay qabteen ayaa ay baahiyaan xogteeda iyo sawirkeeda.

    Haddaba arrinka xiisaha leh ee meesha yaalla ayaa ah; diyaarad aan duuliye lahayn goorta ay AS qabtaan inay markiiba warbaahinta ku soo daabacaan, halka diyaarad duuliye, dad iyo agab wada goorta ay qabtaan aysan warbaahintooda ku soo daabicin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

    June 13, 2025

    WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

    June 13, 2025

    DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

    June 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

    June 13, 2025

    WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

    June 13, 2025

    DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

    June 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.