Koox biskoolado ku hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay xaafada Siisii ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen labo nin oo dhallinyaro ah, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan ragga la dilay iyo waxa ay ahaayeen.
Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in labada nin madaxa laga toogtay xilli ay ku sugnaayeen meel ku dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur ee kuyaalla xaafada Siisii, waxaana markii la dilay kaddib goobta deg deg uga baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka geestay.
Labada nin ee la dilay ayaa mid kamid ah noola sheegay in uu horey uga tirsanaa kooxda Al Shabaab kana soo goostay, halka ninka kale ee lala dilay uu isna ahaa ninkii magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay deegaanna siiyay ninka soo goostay.
Ninka Al Shabaab kasoo goostay ayaana la sheegay in uu soo maray habraaca ay dowladda Soomaaliya marsiiso dhallinyarada Al Shabaab kasoo goosta, waxaana loo sameeyay dhaqancelin, lamana oga in uu hadda katirsanaa ciidanka sirdoonka Soomaaliya iyo in kale.
Ciidamada ammaanka ayaana gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyaga oo halkaasi baaritaanno ka sameeyay, lamana sheegin ciidamada dad ay usoo xireen falkan dilka ah, waxaana socda baaritaanno ciidamada ku sameenayaan kaamirooyinka aagaasi ku xirnaa si ay xogo uga helaan raggii dilka geestay.