Ciidamada booliiska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira nin dilaa halis lagu tilmaamay oo dhawaan ka baxsaday saldhig booliis oo kuyaalla magaalada Nairobi, waxaana booliiska dadka ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan xogta ninkan baxsadka ah.
Collins Jumaisi Khalusha, ayaa ku eedeysan dilka 42 haween ay ku jirto xaaskiisa , waxaana ninkan oo ku socdeen baaritaanno dheeraad ah si farsameysan uga baxsaday xabsi uu ku xirnaayeen isaga iyo dad kale oo ajaaniib ah.
Booliiska dalka Kenya ayaa xiray qaar kamid ah askartii iyo saraakiishii ilaalada ka heysay saldhiggii uu ninkan ka baxsaday, waxaana hadda booliiska wadaan howlgallo ay ku raadinayaan ninkan dilka haweenka badan ku eedeysan ee baxsadka ku jira.
Ninkan dilaaga lagu eedeeyay ayaa horeyu beeniyay in isagu masuul ka yahay 42 haween oo meydadkooda lagu arkay goobo kala duwan oo kuyaalla magaalada Nairobi, waxa uuna sheegay in jirdil loo geestay ay keentay in uu qirto dambi uusan galin .
Collins Jumaisi Khalusha iyo 12 nin kale oo u dhashay dalka Eritrea ayaa ka baxsaday xabsi kuyaalla magaalada Nairobi ay ku xirnaayeen, baxsashada raggan ayaana la sheegay in loo fududeeyay ayna ka dambeeyeen askarta ilaalada ka heysay saldhigga ay ku xirnaayeen.