Bulshada carabta ah ee ku sugan Dalka oo ay dhalashada labaad ka haystaan ayaa sameeyay dibadbax xooggan oo ka dhan ah Maamulka Madaxweynaha Dalkaas Joe Biden & Israaiil oo si wadajir ah isaga kaashanaya Xasuuqa ka dhacaya Dhulka Falastiin.
Waxa ay soo qaateen boorar ay kusoo xardheen ereyo duraya Joe Biden iyo Israaiil si ay u muujiyaan xadgudubka xooggan ay ka gaysanayaan Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza oo tan & horraantii Oktoobar 2023 si joogta ah dhiig ugu daadinaya.
Dadkaan dibadbaxa dhigay ayaa dalbaday in maxkamad lasoo taago Mas’uuliyiinta Maamulka Madaxweyne Biden & kuwa Israaiil si loogu ciqaabo xasuuqa ay ka gaysteen Dhulka Falastiin iyaga oo iska indha-tiray ilaalinta Dadka rayidka ah & goobaha la xurmeeyo.
Bannaanbaxyada Dadka ay ku muujinayaan dareenkooda carada leh oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Madaxweyne Joe Biden ee sida xad-dhaafka ah hubka ugu sii daldalaya Israaiil ayaa sii kordhiyay todobaadyadii u dambeeyay.
Israaiil ayaa si aan ka gambasho lahayn u beegsatay goobaha Waxbarashada, Caafimaadka, Guryaha Dadka Rayidka, Masaajidda & meel weliba oo ka mamnuuc ah in la weeraro, waxa ay taasi dhalisay in Dalka Koofur Afrika uu ka gudbiyo dacwad ka dhan ah xasuuqaas.