Guddiga Dib-udhiska Buundooyinkii ku burburay Fatahadiihi ku dhuftay Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in uu u baahan yahay garab istaag xooggan oo u fududeynaya howshaan loo wakiishay.
Guddigu waxa uu kulan gaar ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku sugan Magaalada Muqdisho ee kasoo jeeda Gobolka Gedo si lacagaha ay heli karaan ama awoodi karaan ugu darsadaan mashruucaan dib u dhiska Buundooyinka.
Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo kasoo jeeda ayuu Guddigaan sheegay in ay kaalintooda ka qaadanayaan kuna howlan yihiin sidii ay usoo uruurin lahaayeen lacagaha ay ku darsanayaan dib u dhiska Buundooyinka burburay.
Daadadka roobka & fatahaadda Webiyada Jubba & Daawa ayaa sababay burbur xoooggan oo soo gaaray buundooyinka qaar ee Gobolka Gedo oo marin muhiim u ah isu gudubka Degmooyin katirsan Gobolkaas.
Radio halgan.com