Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      DG Waqooyi Bari oo si adag ugu hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar iyo Fariin ay u direen DFS

      September 16, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

    Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 18, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Su’aallo iyo culays wayn ayaa ka dhashay dhacdadii hubka lagu boobay ee ka dhacday waqooyiga gobolka Galgaduud, kadib markii hub sharci darro ah oo ka yimid dhinaca Itoobiya uu u gacan galay shacabka ku dhaqan Caabudwaaq.

    Arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya kowdii December, ee sanadkii hore 2023 laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddada 31 sano.

    Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

    Saameynta ka dhalatay hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ayaa hadda gaartay meeshii ugu darnayd, waxaana ka dhashay walaac xoogan, ayada oo  dowladda dhexe iyo Galmudug ay kasoo saareen warar kala duwan waxaase si isku mid ah ay u sheegeen inay ku dadaali doonaan soo celinta hubkaas.

    Dowladda ayaa ku dooday in hubka la boobay xilli ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada qaranka oo kala wareegay koox ganacsato ah oo si sharci darro ah dalka kusoo gelisay hubkaasi, balse ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay sidaas ku furteen hubka.

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho wuxuu durbo xogta hubkan la wadaagay Mareykanka, kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahna ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

    Aragtiyo kala duwan oo xasaasi ah ayaa sidoo kale laga bixiyay arrintan, waxaana Xildhiban Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu qabaa in hubkan loogu talagalay in lagu wareejiyo kooxaha argagaxisada, si loogu laayo ciidanka iyo Macawiieyda degaanka.

    “Hubkaas lagu dhacay Caabudwaaq Al-Shabaab ayaa loo waday si Macawisleyda loogu laayo, dadka Caabudwaaq waxaan leeyahay hubkaas yuusan ka bixin gacantiina, waa hub Soomaaliyeed oo amniga dalka lagu difaaci doono” ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla.

    Dhinaca kale Somalilad oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dowladda federaalka ayaa iyaduna ka hadashay hubka lagu dhacay duleedka magaalada Caabudwaaq, waxayna sheegtay inay ka imaan karto halis saameyn karta dalalka dariska iyo gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

    Somaliland ayaa sidoo kale beesha caalamka ka dalbatay in dib eegis lag sameeyo go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore.

    Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland.

    Si kastaba, arrinta hubka oo noqotay mowduuc wayn oo taagan ayaa ah xujo wayn oo hortaalla dowladda dhexe, waxaana laga war dhowri doonaa halka ay ku dhammaato iyo jawaabta ay ka bixiso beesha caalamka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.