Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 6.5 magnitude ayaa ku dhuftay gobolka Sultan Kudarat ee koonfurta Filibiin subaxnimadii Khamiista, Hay’adda saadasha hawada ee Falibiin ayaa sidaasi sheegtay.
Dhul gariirka ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada Tagum ee gobolka Davao del Norte.
Sidoo kale, Hay’adda Saadaasha Hawada ee Filibiin ayaa sheegtay in dhul-gariirka uu xooggana balse balse aanu khasaare geysan.
Dhanka kale, Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimilada dalka Indonesia ayaa sheegtay in dhulgariir kale oo cabbirkiisu yahay 5.8 uu ku dhuftay gobolka galbeedka ee Bengkulu habeenkii Arbacada, balse kama dhalan khasaaro.
Dalalka Indoniisiya iyo Filibiin ayaa u nugul yihiin dhulgariir xilli kasta, maadama ay ku yaallan dhul buuraley ah.