Dalka Kenya waxaa ka billaabanaya dhoollatuska ciidan ee ay sida wadajirka ah u samaynayaan ciidamo ka kala tirsan Dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Maraykanka & wadanka martigelinaya ee Kenya.
Arrintaan waxaa loogu talagalay in lagu soo bandhigo awoodda militari ee Dalalkaan ka qaybgalaya dhoollatuska waxaana goobjoog ka noqonaya saraakiil sare oo katirsan Dalka Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo kuwo kale.
Saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka oo maalmo kahor gaaray Dalka Kenya si ay goobjoog uga noqdaan arrintaan ayaa la kulmay madaxda Xukuumadda Washington u qaabilsan Geeska Afrika.
Dhoollatuskaan ayuu qorshuhu ahaa in uu ka dhaco Magaalada Berbera balse dib u dhac ayaa ku yimid sanadkii loogu talagalay oo ahaa 2023, saraakiil katirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa in muddo ka shaqaynayay arrintaan.
In ka badan 800 oo Askari oo kasoo kala jeeda Dalalka Maraykanka, Jabuuti, Uganda, Kenya iyo Soomaaliya, ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa madasha la tagaya tababarkooda khaaska ah.