Danyeerka nooca loo yaqaan Chimpanzee ee duurjoogta ah, waxay cunaan dhirta ka hor tagta bakteeriyada iyo xanuunada kale, sida ay sheegeen seynisyahanada.
Waxay baaris ku sameyeen xayawaanada ku nool keymaha dalka Uganda, gaar ahaan kuwa dhaawaca soo gaara iyo kuwa xanuunsanayaba, inay dhirta isku daweeynayaan iyo on kale.
Marka xayawaanku dhaawacmo oo uu keynta u raadsado wax gaar ah oo uu cuno. Cilmi-baarayaashu waxay soo ururiyeen dhirta uu xayawaanka cuno, kadibna baaris ayay ku sameeyeen.
Inta badan dhirta la baaray, waxay noqdeen kuwo leh maadooyin ka hor taga bakteeriyada.
Seynisyahannada, oo natiijada baaritaankooda ku daabacay wargeyska PLOS One, waxay rumeysanyihiin in chimpanzeega uu xitaa ka caawin karo raadinta dawooyin kale oo cusub.
“Ma baari karno noole kasta oo ku nool kaymahaas, ayuu yiri cilmi-baare, Dr Elodie Freymann, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford. “Marka maxaa noo diidaya inaan baarno nooca dhireed ee ay raadiyaan daanyeerka chimpanzee?” ayuunyiri.
Afartii sano ee la soo dhaafay, Dr Freymann waxa ay muddo bilooyin ah si taxadar leh ula socotay xaaladda chimpanzee duurjoog ah oo ku noola keynta Budongo Central Forest Reserve ee dalka Uganda.
Iyada iyo saaxibadeeda shaqada, waxay si gaar ah isha ugu hayeen dhirta uu sida gaarka ah u cuno chimpanzeega dhaawaca ah ama midka xanuunsanaya, dhirtaas oo ah kuwa aysan hore u cuni jirin.
“Waxaan baaritaan ku sameyneynay hab-dhaqanka iyo tuhunka ah ah in laga yaabo in dhirtu dawo tahay ayay tiri” Dr Freymann.
Waxay arkeen mid kamid ah xayawaankaasi oo dhutinaya isla markaana raadinaya geedka loo yaqaano ferns.
Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale uruuriyeen oo ay falanqeeyeen geedka nooca Christella parasitica, kaas oo isna leh maaddo yareysa xanuunka.
Guud ahaan, baarayaashu waxay soo uruuriyeen 17 tijaabooyin oo lagu sameeyay 13 geed oo kala duwan, waxaana loo diray Dr Fabien Schultz, oo ka howl gasha jaamacadda Neubrandenburg ee dalka Jarmalka.
Baaristaas waxaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 90% ee dhirtaas ay leedahay maaddo ka hor tagta bakteeriyada isla markaana ay yareeyaan xanuunada.
“Ma uusan isticmaaleyn gacanta si uu u lugeeyo, wuu dhutinayay,” ayay tiri.
Iyadoo inta kale ee kooxdan xayawaannada ay ag fadhiyeen oo ay wax cunayeen, daanyeerka dhaawacan ayaa dhutinayay isagoo raadinayay dhir. “Wuxuu ahaa kan keliya ee raadinayay ee cunayay dhirtaas.”
Baarayaasha ayaa dhirtaas soo qaaday oo baaritaan ku sameeyay. Waa dhir lagu magacaabo Christella parasitica, taasoo la ogaaday inay tahay qallajiye xooggan.
Guud ahaan, baarayaasha ayaa ururiyay 17 nooc oo 13 dhir kala duwan laga soo qaaday waxayna u direen inuu baaro Dr Fabien Schultz, oo ka howlgala Jaamacadda Neubrandenburg ee jarmalka.
Waxay natiijadu sheegtay in ku dhowaad 90% dhirtaasi ay bakteeriyada ka hortagaan, halka saddex meeloodna ay leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo qallajiye ah, taasoo micnaheedu yahay inay yareyn karaan xanuunka ayna bogsashada wax ka taraan.
Dhammaan daanyeerrada dhaawacan iyo kuwa xanuunsan ee lagu sheegay daraasaddan ayaa si buuxda u caafimaaday, iyadoo Dr Freymann ay ku faraxsaneyd. “Kii cunay dhirta ayaa isticmaalayay mar kale gacantiisa maalmihii yaraa ee xigay,” ayay tiri.
“Dabcan, ma caddeyn karno 100% in kiisaskan ay yihiin natiijada tooska ah ee ka dhalatay cunidda kheyraadkan,” ayay u sheegtay BBC.
“Balse waxay diiradda saartay aqoonta caafimaad ee laga dhaxlay u kuurgelidda dhirta kale ee keymaha.” Ayay tiri.