Bisha nagu soo wajahan ee Juun waxa uu qorshuhu yahay in la dhimo ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Dalka ku jooga fasaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa socda abaabul Dowladda Federaalka ay ku buuxinayso goobaha ay ka baxaan ciidankaan.
Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee ATMIS ayaa horay uga baxay deegaanno ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Jubbaland waxaana booskooda buuxiyay ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedyadaas.
Saraakiil katirsan ciidamada Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay wadeen kormeer ay ku samaynayeen qaar kamid ah xeryaha ciidamada Xoogga Dalka iyo Talisyada sida gaarka ah looga maamulo si loo diyaariyo ciidankaas lagu buuxinayo xeryaha ay ka baxayaan ATMIS.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in go’aanka lagu dhimayo ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya uu weli jiro iyada saraakiisha Soomaalida ah iyo kuwa Afrikaanka ah ay kawada xaajoonayaan tallaabooyinka la qaadayo.
Dhammaadka sanadkaan 2024 waxaa ku siman waqtiga joogitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo howshaan soo billaabay sanadkii 2007dii waxaana socda tallaabooyin si tartiib-tartiib ah ay dalka uga baxayaan ciidamadaan.
La soco wixii kasoo kordha