Ugu yaraan Seddex askari ayaa ku geeriyooday, halka labo kale ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada waddooyinka Puntland uu rasaas ku furay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe.
Falkaasi ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Taraafikada gobolka Nugaal, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana la sheegay in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday isagoo wata qorigii askariga dhintay.
Dhaawacyada labada kale ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaalada Garoowe, iyadoo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.
Ciidamada ammaanka gobolka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo la baadi-goobayo askariga falka geystay oo la sheegay in uu si degdeg ah uga baxsaday goobta.
Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay falkaasi, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu ka dhashay is-fahamwaa ama muran u dhexeeyay labada dhinac.
Maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdada, taas oo cabsi iyo walaac gelisay shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe.