Duqaymo Israa’iil ay ka gaysatay magaalooyin iyo tuulooyinka ku tyaalla dalka Lubnaan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 274 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 1,000 oo ruux oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.
Sida ay sheegayaan warar rasmi ah, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira carruur, haween iyo shaqaalaha caafimaadka.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay ballaarinayaan baaxadda duqeymaha ay ku hayaan ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, iyagoo xusay in ilaa iyo hadda ay weerareen in ka badan 300 oo bartilmaameed oo ay leeyihiin Xisbullah ah.
Barqanimadii maanta oo isniin ah ayaa ciidamada Israel waxa ay qaadeen duqeymo cusub oo dhimasho sababay kuwaas oo ay ku fuliyeen deegaano badan oo ku yaala koonfurta iyo bariga Lubnaan.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse, duqeymaha Israa’iil waxay la beegsatay goobo iyo dooxooyin ka tirsan gobolka Nabatiyeh ee koonfurta Lubnaan, iyo sidoo kale deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka lagu magacaabo Tire.
Duqeymaha ka dhacay koonfurta ayaa ku soo beegmaya iyadoo “hawlgallo culus ay ka socdaan gobolka Bekaa” oo ku yaalla xuduudka Suuriya ee bariga Lubnaan.
Ilo wareedyo ku dhow Hezbollah ayaa sheegay in weerarada “lala beegsaday aagag badan oo ku yaalla galbeedka iyo buuraleyda silsiladda ah eek u yaalla bariga Lubnaan, iyagoo gaaray gobolka Hermel.”
Hezbollah ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Isniin ah ku sheegtay in ay mar kale duqeysay xarumaha difaaca cirka ee Israa’iil ee ku yaalla waqooyiga Haifa.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa ugu baaqday isbitaallada ku yaal koonfurta iyo bariga inay joojiyaan howlaha aan degdega ahayn.
Mawqifka Israa’iil
Dadka rayidka ah ee ku nool tuulooyinka Lubnaan ee ku yaalla ama ku dhow dhismayaasha iyo meelaha ay Xisbullah u adeegsato arrimo milateri, sida kuwa lagu kaydiyo hubka, waa inay si degdeg ah uga guuraan aagga khatarta ah si ay ammaankooda u helaan,” ayuu yiri afhayeenka milateriga Israa’iil, Daniel Hagari oo shir jaraa’id qabtay.
Waxa uu sheegay in ciidanku ay qaadi doonaan weerarro dheeri ah oo qorsheysan oo ka dhan ah bartilmaameedyada ay leeyihiin argagixisada oo ku yaalla Lubnaan.
Hagari waxa uu intaa ku daray in Xisbullah ay “koonfurta Lubnaan u beddeshay goob dagaal, iyo in ay hubka ku dhex qariso guryaha rayidka, taas oo khatar gelinaysa muwaadiniinta ku nool koonfurta Lubnaan.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, “Labaatan sano, Xisbullah waxa ay hub geyneysay koonfurta Lubnaan, waxa ay sidoo kale gantaalaha-Cruise-ka ku riddaa guryaha rayidka”.
Afhayeenka ciidamada Israel ee warbaahinta Carabta, Avichay Adraee, ayaa ugu baaqay “dadka degan tuulooyinka Lubnaan ee ku nool gudaha ama u dhow dhismayaasha iyo guryaha ay Xisbullah ku qarsato hubkeeda inay si degdeg ah uga guuraan si ay badqabkooda u ilaaliyaan.”
Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa sheegay in hawlgallada millatari “ay sii socon doonaan ilaa aan gaarno heer aan ka xaqiijin karno in bulshooyinka waqooyiga Israa’iil ay si nabad ah ugu laabtaan guryahooda.” “Taasi waa yoolkeena, iyo hadafkeena, waxaana isticmaali doonaa hab kasta oo lagama maarmaan ah si aan u gaarno.”
Wasaaradu waxay sheegtay in Galant uu sameeyay qiimayn ku aadan heerka u diyaarsanaanta ciidamada ee xallinta dib u dhacyada amni eek u soo badanayay waqooyiga Israel.
“Waxaan ku jirnaa waji cusub oo dagaal, kaasoo u baahan anshaxa iyo u hoggaansanaanta awaamiirta shacabka,” ayuu yiri Galant.
Taliyaha ciidamada Israa’iil Herzi Halevi ayaa sidoo kale wacad ku maray in ay duqaynayaan “dhinac kasta oo u hanjabaya muwaadiniinta dawladda Israa’iil”.
Balse Maraykanka oo ah saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil ayaa sheegay in kororka dagaalada aysan “danta Israa’iil ku jirin”, wuxuuna madaxweyne Joe Biden sheegay in Washington ay sameyneyso wax walba oo ay kaga fogaan karto isku dhac ballaaran.