Dhaqaatiirta isbitaalada dadwaynaha ee dalka Nigeria ayaa waxay ku dhawaaqeen shaqajoojin dalka oo dhan ah oo socon doonta muddo todobo maalin ah, waxayna dalbanayaan in la sii daayo dhaqtarad lagu magacaabo Ganiyat Popoola, oo ay afduub ahaan loo haysto muddo sideed bilood ah.
Dhaqtarada oo ah hooyo shan caruur ah dhashay ayaa habeen saqdhexe gurigeeda lagala baxay, iyada iyo seygeedii iyo wiil ay eedo u tahay, markii ay taariikhdu ahayd 27 kii December ee sandkii aynu soo dhaafnay.
Ninkeedii ayaa la sii daayay bishii Maarso kadib markii la bixiyay lacag madax furasho ah oo la siiyay kooxdii afduubatay, balse waxaysan sii daynin dhaqtarada iyo wiilka.
Dhaqaatiirta ayaa waxay sheegeen in xitaa aysan xaaladaha degdeg ah ka jawaabi doonin inta ay ku jiraan shaqo joojinta.
Waxay dareemayaan dhaqaatiirtu in laamaha ammaanku aysan
Madaxweynaha midowga dhaqaatiirta, Dr Dele Abdullahi ayaa BBC da u sheegay: “Sideed bilood ayay xanuun ku jirnaa iyada, qoyskeedii iyo annaguba. Nolosha dhaqaatiirta waa in laxow ka galo dadka reer Nigeria,” isaga hadalkiisa raaciyay in hadii aan wax isbadal ah imaan in ay shaqo joojin aan kala joogsi lahayn sii wadi doonaan.
Dhaqtar ay shaqo wadaag yihiin oo lagu magacaabo Ibrahim Mohammed ayaa waxay uu sheegay in “dhaqaatiirtu ay niyad jabsan yihiin, xaalad aragagax ahna ay ku sugan yihiin. Waddan ay xirfadlayaashii caafimaadka ka tagayaan in hartay ee go’aansatay in ay joogaan waa in la ilaaliyo.”
Dhaqtar Ibraahin ayaa waxa uu sheegay in dhaqtarad Poopola ay lix sano ka hor ka shaqo bilowday isbitaalka indhaha ee National Eye Centre.
Waxa uu ku qeexay in ahayd haweeneey xirfadyahanad ah sidoo kalana qoyskeeda si masuuliyad leh uga taxadarta.
Xilliga la afduubanayay ayaa waxay nuujinaysay canugeeda ugu yar.
Isbitaalka ay ka shaqaynaysay oo ku yaalla wuqooyi-galbeed dalka Nigeria ayaa ka mid ah isbitaalada indhaha kuwooda ugu waawayn ee dalka Nigeria.
Khuburada qaar ayaa waxay sheegeen in halka uu ku yaallo isbitaalka oo ah banaanka magaalada Kaduna ay u fududeynayso afduubtayaasha in ay bartilmaameedkooda gaaraan.
Gurigeeda ayaa waxa uu ku yaalla isla aagga uu ku yaallo isbitaalku.
Sanadkii 2021 kii, ayaa daraasiin ardey ah waxaa laga qaatay kuleej ku yaalla isala aagaas.
Kooxda afduubatay Dr Poopola ayaa waxay dalbanayaan $25,000 oo doolar oo madax furasho ah.
Inkasta oo sanadkii 2022 kii la dhaqan galiyay sharci dood badan oo dhaliyay oo dambi ka dhigaya madax furashada, ayaa hadana waxaa bixiya madax furashada qoysaska dhibanayaasha oo aan jid kale u furnayn.
Sharciga ayaa waxa uu qabaa in 15 sano oo xarig ah lagu xukumi karo qofkii bixiya madax-furasho, in kasta oo aan ilaa iyo hadda aysan jirin cid xukun loogu riday.
Dawladda ayaa wali ka hadlin shaqo joojinta ay ku dhawaaqeen dhaqaatiirtu iyo xaaladda taagan intaba.
Dr Popoola’s husband has declined requests to talk to the media.Seyga dhaqtaradda afduuban ayaa isagu iska diiday in uu la hadlo warbaahinta.
Dr Abdullahi ayaa waxa uu sheegay BBC da “ qoysku wuxuu isku dayay in si dhib yar ay arrintaan xalkeeda u galaan, balse ay hadda waxay na siiyeen ogolaansho ah inaan fiirino siyaabo kale oo xalku noqon karo”.
Sanadihii ugu dambeeyay ayaa afduubku aad ugu soo batay dalka Nigeria, iyada oo la afduubtay boqolaal ruux, waxaana sameynaya afduubka koox tuugo ah oo u arka wadadaan qaab dhib yar oo ay lacag ku samayn karaan. Si gooni waxa uu xaalku ugu sii daran yahay gobolada wuqooyi-galbeed.