Kulan Isbarasho ah qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, la taliyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle iyo Duqa Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa ka dhacay xafiiska wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle.
Dhammaan, shaqaalaha wasaaradda waxay aad usoo dhoweeyeen dib usoo noqoshada Marwo Nadar Tabaax Maalin si ay ugu adeegto shacabkeeda mar kale, waxayna u rajeeyeen guul iyo horumar Magaalada Beledweyne.
Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse oo ay horey usoo wada shaqeeyeen Duqa Magaalada Beledweyne.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE