Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Dhakhtarka Ajinabiga ah ee beerta ka sameystay Galdogob oo BBC-da la hadlay

    Dhakhtarka Ajinabiga ah ee beerta ka sameystay Galdogob oo BBC-da la hadlay

    By radiohalgan.comMarch 19, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dr Muuse Waihenya Jazan waxa uu ka howlgalaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Mudug oo uu kaga sii suganyahay degmada Galdogob, halkaas oo uu ka howlgalo isbitaal gaar loo leeyahay iyo hal abuur isagu uu la tegay degmada.

    Waxa uu ku dhashay ismaamulka Busia ee gobolka xuduudda la leh dalka Uganda ee Kenya, waxa uu waxbarashiida ku qaatay gudaha Uganda, isagoo ugu dambeyn tagay Soomaaliya halkaa oo uu shaqo ka helay.

    Dhakhtar Muuse xilli uu ku sugnaa dalka Uganda ayaa waxa Soomaaliya soo aaday saaxiibkiis oo lagu magacaabo Simon, Simon waxa uu ka tirsanaa ciidamada difaaca Uganda ee nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, intaa kadibna Dr Muuse waxa uu Simon u dirsaday in uu shaqo ugasoo helo Soomaaliya.

    β€œSaaxibkey ayaan ku iri shaqo ii soo raadi, waxa uu igusoo xiray qof kasoo jeeda magaalada Galdogob ee hadda aan joogo, waxaana ugu dambeyn Uganda iigu yimid ninka shaqada I siin doona oo halkaas aan heshiis kuwada saxiixannay, sidaas ayeyna ku suura gashay in aan Soomaaliya imaado,” ayuu yiri Dr Muuse oo BBC-da la hadaly.

    Waxa uu Soomaaliya tagay sanadkii 2017-kii bishii afaraad taas oo ka dhigan in uu joogo muddo kabadan toddobo sano.

    Dr Muuse waxa uu ka shaqeeyaa qaybta baaritaannada bukaannada isaga oo sheegay in shacabku haatan ay la qabsadeen.

     

    Dr Muuse

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Dhakhtarka ajinabiga ah ee sameeyay beerta qaraha

    Fikradda shaqadiisa beerta

    Dr Muuse ayaa sheegay in maalmihii u uku cusbaa uu u baahday in soo iibsado Qare ama xabxab, markii uu suuqa tagayna xabbad aan sidaa usii weyneyn loo sheegay in laga iibinayo lacag ku dhow labaatan dollar (20$), taas oo uu sheegay in ay fajac ku beertay.

    β€œMarkii anigu aan lacag qaali ah kusoo iibsaday xabadda qaraha ah ee yar waxa aan ku fikiray tolow side dadka qaar ee danta yar ugu suura geli doontaa in ay lacagta intan la’eg ka bixiyaan xabbad qare ah? Kaddibna waxa aan ku fikiray in laftigeyga aan sameeyo beer qare lagu beero maadaama aan cilmiga beeraha wax ka aqaannay,” ayuu yiri Dr Muuse.

    Waxa uu sheegay in Galdogob bannaankeeda uu ku arkay meelo ku haboon in beero laga sameeyo, sidaasna waxaa ugu suura galay fikirkiisi beerista dalagga noocyadiisa kala duwan.

    β€œWaxa ugu badan ee aan beero waa qaraha waliba hadda maadaama ay tahay xilli Ramadaan ah, waan kusoo aadinnay in qare badan uu soo go’o, waxa aan u iibiyaa qaab jumlo iyo tafaariiqba leh, sidoo kale waxa aan beeraa yaanyo, barbarooni, basal, basbaas, koosto iyo khudaar kale”, ayuu yiri Dr Muuse.

    Waxa uu sheegay in markii uu la yimid fikirka beerista ay ku adkaadeen waxyaabaha qaar sida ceelkii laga waraabin lahaa beerta, balse waxa uu sheegay in uu hadda heysto dad la shirkoobay oo ay kala qaybsadaan faa’iidada kasoo baxda beerta.

    β€œSubax waliba marka ay saacaddu tahay 6:00 aroornimo salaadda subax kadib waxa aan usoo kallahaa beerta, waxa ay magaalada u jirtaa qiyastii 8 ilaa sagaal KM, waan nidaamiyaa oo waxa aan uga tagaa shaqaalaha, kadibna waxa aan horay usii guda galaa shaqada kale ee isbitaalka,” ayuu sii raaciyay Dr Muuse.

    Qaadashadiisa Diinta Islaamka

    Dr Muuse

    XIGASHADA SAWIRKA,DR MUUSE

    Qoraalka sawirka,Dr Muuse

    Dr Muuse markiisii hore waxaa la dhihi jiray Waihenya Jazan, ma uusan heysn diinta Islaamka, hase yeeshee mar dambe oo uu fahmay ayuu ilaahay ku guuleeyo in uu qaato diinta, waxaana haatan uu dhinac kale kawadaa barashada culuumta la xiriirta diinta.

    β€œAniga markii hore Muslim ma aanan ahayn, diinta Islaamkana wax badan kama aanan fahamsaneyn, laakiin hadda alxamdulillaah wax badan ayaan fahmay, haddana adiga I wareysanaya waxaan ku leeyahay Ramadaan Mubaarak” ayuu yiri Dr Muuse.

    Sidoo kale si kaftan ah oo aan u weydiinnay in uu wax ka bartay afka Soomaaliga xilligii uu wareysigu socday ayuu Dr Muuse yiri, isagoo dhoollacaddeynaya β€œXogaa xoogaa ayan bartay laakiin ma badna ee bal hadda Af soomaali igu wareyso aan is tijaabiye”.

    Amniga iyo xasiloonida uu ku dareemayo gudaha dalka

    In badan marka aad dalka dibadda ka joogto waxaa macquul ah in ay kuusoo sawirmaan colaado iyo meelo la’isku dilo oo noloshuba ay adagtahay.

    Muuse waxa uu sheegay in nolosha Soomaaliya uu aad uga helay waliba dhinaca ammaanka gaar ahaan Puntland oo uu sheegay in ay tahay maamul xasillon oo dadkeedu ay nabad ku noolyihiin.

    β€œAniga ma tegin gobollo badan oo Soomaaliya katirsan, Laakiin halkan Puntland runtii waa nabad, marmar ayan tagaa ilaa Galkacyo waliba anigoo gaari wada xilli habeen ah, mana arkin wax I cabsi geliya”, ayuu yiri.

    Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay in Muuse oo ah qof aan u dhalan Soomaaliya uu gudaha dalka kadhex arkay fursado ay Soomaali badan oo dhallinyaro ah kadhex arki waayeen.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.