Dr Muuse Waihenya Jazan waxa uu ka howlgalaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Mudug oo uu kaga sii suganyahay degmada Galdogob, halkaas oo uu ka howlgalo isbitaal gaar loo leeyahay iyo hal abuur isagu uu la tegay degmada.
Waxa uu ku dhashay ismaamulka Busia ee gobolka xuduudda la leh dalka Uganda ee Kenya, waxa uu waxbarashiida ku qaatay gudaha Uganda, isagoo ugu dambeyn tagay Soomaaliya halkaa oo uu shaqo ka helay.
Dhakhtar Muuse xilli uu ku sugnaa dalka Uganda ayaa waxa Soomaaliya soo aaday saaxiibkiis oo lagu magacaabo Simon, Simon waxa uu ka tirsanaa ciidamada difaaca Uganda ee nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, intaa kadibna Dr Muuse waxa uu Simon u dirsaday in uu shaqo ugasoo helo Soomaaliya.
“Saaxibkey ayaan ku iri shaqo ii soo raadi, waxa uu igusoo xiray qof kasoo jeeda magaalada Galdogob ee hadda aan joogo, waxaana ugu dambeyn Uganda iigu yimid ninka shaqada I siin doona oo halkaas aan heshiis kuwada saxiixannay, sidaas ayeyna ku suura gashay in aan Soomaaliya imaado,” ayuu yiri Dr Muuse oo BBC-da la hadaly.
Waxa uu Soomaaliya tagay sanadkii 2017-kii bishii afaraad taas oo ka dhigan in uu joogo muddo kabadan toddobo sano.
Dr Muuse waxa uu ka shaqeeyaa qaybta baaritaannada bukaannada isaga oo sheegay in shacabku haatan ay la qabsadeen.
Fikradda shaqadiisa beerta
Dr Muuse ayaa sheegay in maalmihii u uku cusbaa uu u baahday in soo iibsado Qare ama xabxab, markii uu suuqa tagayna xabbad aan sidaa usii weyneyn loo sheegay in laga iibinayo lacag ku dhow labaatan dollar (20$), taas oo uu sheegay in ay fajac ku beertay.
“Markii anigu aan lacag qaali ah kusoo iibsaday xabadda qaraha ah ee yar waxa aan ku fikiray tolow side dadka qaar ee danta yar ugu suura geli doontaa in ay lacagta intan la’eg ka bixiyaan xabbad qare ah? Kaddibna waxa aan ku fikiray in laftigeyga aan sameeyo beer qare lagu beero maadaama aan cilmiga beeraha wax ka aqaannay,” ayuu yiri Dr Muuse.
Waxa uu sheegay in Galdogob bannaankeeda uu ku arkay meelo ku haboon in beero laga sameeyo, sidaasna waxaa ugu suura galay fikirkiisi beerista dalagga noocyadiisa kala duwan.
“Waxa ugu badan ee aan beero waa qaraha waliba hadda maadaama ay tahay xilli Ramadaan ah, waan kusoo aadinnay in qare badan uu soo go’o, waxa aan u iibiyaa qaab jumlo iyo tafaariiqba leh, sidoo kale waxa aan beeraa yaanyo, barbarooni, basal, basbaas, koosto iyo khudaar kale”, ayuu yiri Dr Muuse.
Waxa uu sheegay in markii uu la yimid fikirka beerista ay ku adkaadeen waxyaabaha qaar sida ceelkii laga waraabin lahaa beerta, balse waxa uu sheegay in uu hadda heysto dad la shirkoobay oo ay kala qaybsadaan faa’iidada kasoo baxda beerta.
“Subax waliba marka ay saacaddu tahay 6:00 aroornimo salaadda subax kadib waxa aan usoo kallahaa beerta, waxa ay magaalada u jirtaa qiyastii 8 ilaa sagaal KM, waan nidaamiyaa oo waxa aan uga tagaa shaqaalaha, kadibna waxa aan horay usii guda galaa shaqada kale ee isbitaalka,” ayuu sii raaciyay Dr Muuse.
Qaadashadiisa Diinta Islaamka
Dr Muuse markiisii hore waxaa la dhihi jiray Waihenya Jazan, ma uusan heysn diinta Islaamka, hase yeeshee mar dambe oo uu fahmay ayuu ilaahay ku guuleeyo in uu qaato diinta, waxaana haatan uu dhinac kale kawadaa barashada culuumta la xiriirta diinta.
“Aniga markii hore Muslim ma aanan ahayn, diinta Islaamkana wax badan kama aanan fahamsaneyn, laakiin hadda alxamdulillaah wax badan ayaan fahmay, haddana adiga I wareysanaya waxaan ku leeyahay Ramadaan Mubaarak” ayuu yiri Dr Muuse.
Sidoo kale si kaftan ah oo aan u weydiinnay in uu wax ka bartay afka Soomaaliga xilligii uu wareysigu socday ayuu Dr Muuse yiri, isagoo dhoollacaddeynaya “Xogaa xoogaa ayan bartay laakiin ma badna ee bal hadda Af soomaali igu wareyso aan is tijaabiye”.
Amniga iyo xasiloonida uu ku dareemayo gudaha dalka
In badan marka aad dalka dibadda ka joogto waxaa macquul ah in ay kuusoo sawirmaan colaado iyo meelo la’isku dilo oo noloshuba ay adagtahay.
Muuse waxa uu sheegay in nolosha Soomaaliya uu aad uga helay waliba dhinaca ammaanka gaar ahaan Puntland oo uu sheegay in ay tahay maamul xasillon oo dadkeedu ay nabad ku noolyihiin.
“Aniga ma tegin gobollo badan oo Soomaaliya katirsan, Laakiin halkan Puntland runtii waa nabad, marmar ayan tagaa ilaa Galkacyo waliba anigoo gaari wada xilli habeen ah, mana arkin wax I cabsi geliya”, ayuu yiri.
Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay in Muuse oo ah qof aan u dhalan Soomaaliya uu gudaha dalka kadhex arkay fursado ay Soomaali badan oo dhallinyaro ah kadhex arki waayeen.